Markii aad gilgilatay ee aad gunimo diiday, waxa nagu waajibay in aanu dadkii goba nimadaad u naf baxay ama u naafoobay xurmayno.
Ilaaha baa mahad oo dhan iska leh.
Ilaaha aduunka qaybsha ee dalkan Somaliland qayb noo siiyay ayaa mahad iska leh.
Mahad Alle ka dib, waxa nagu waajibay, Somalilanday, in aanu kuu mahad naqno.
Kuu maanaan mahad naqin, ee raali naga ahaw!
Waxa nagu waajibay sidii aad noo daryeeshay in aan kuu daryeelo.
Kuu maanaan daryeelin, eeraali naga ahaw.
Waxa nagu waajibay in aanu dad ahaan dunida ka dhex muuqano; oo aragaaga iyo astaan taadu meel marto.
Dunida kama muuqano; aragaaga iyo astaan taadunu ma meel marin; ee raali naga ahaw.
Waxa nagu waajibay in aanu dushaada dawlad caadil ah oo casri ah ka dhisino.
Dawlad caadil ah oo casri ah ka maanaan dhisin dusaada, ee raali naga ahaw.
Markii aad gilgilatay ee aad gunimo diiday, waxa nagu waajibay in aanu dadkii goba nimadaad u naf baxay ama u naafoobay xurmayno.
Maanu xurmayn oo maanu xanaanay, ee raali naga ahaw.
Waxa nagu waajibay in aanu dhisno maamul daacad ah, oo danwaadago ah, oo dulmiga tira, oo dan yarta ilaalsha, oo dadweynaha dhegaysta, oo siyaasiga daydayga ah deedifeeya.
Maanaan dhisin, ee raali naga ahaw.
Diir baanu noqayno
Deegkaanii ayaanu xaalufinay.
Dayday baanu noqonay.
Danyartii ayaanu baadhanay.
Dawlad nimadii: nin dibray, nin debed ka yimi, iyo nin dayday ah ayaa afduubay.
Dibjirkii, derbijiifkii . danyartii, da’ yartii, iyo dadweynihii darxumo iyo daranyaa heshay.
Da’ yarti waa dideen, waa dooleen, waa doogsin carareen.
Lama degaan, doon-badeed, iyo dugaag baa laayay.
Haddana:
Dushoodaanu isku haysanaa; dushaadaanu isku haysnaa.
Waxa lagu dan seegay, waxa lagu dad seegay, waxa lagu dal seegayna:
“Dayaxu waa kabash kabash leeyahay iyo madaa kabo u tolaaya?”