“Weerarkii qaraxa ahaa ee ugu horreeyay ayaa waxaa la sheegay in lagu tuuray gaari kuwa dadweynaha ah (Matatu) oo ay saarnaayeen 14-qof, qaraxa labaad ayaa isna lala beegsaday suuqa Gikomba, waxaana ku dhintay afar qof labada qarax,” ayaa lagu yiri warbixin hay’adda musiibooyinka Qaranka Kenya.
Hay’adda ICRC ee dalka Kenya ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay 10-qof oo dhaawacyo qaba geystay isbitaallada Kenya, iyadoo aan la ogeyn tirada dadka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxyadan.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo qaraxyada kaddib khudbad ka jeediyay xarunta madxtooyada ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadan, isagoo dadkii ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.
Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo Septembertii lasoo dhaafay qaraxyo culus oo khasaare badan geystay, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmayaa xilli ay toddobaadyadii lasoo dhaafay Nairobi iyo Mombasa ka dhaceen qaraxyo khasaare nafeed geystay