WAJAALE NEWS

Maraykanka Iyo Jabuuti Oo Heshiish Kala Saxeexday Iyo Ciidamada Maraykanka 10 Sano Oo Danbe Sii Joogaya Xeryaha Ay Ku Leeyihiin Dalkaasi

Newyork(Wajaalenews)Maraykanka ayaa markale kordhiyey wakhtiga ay sii joogayaan xerada Militariga uu ku leeyahay magaalada Jabuuti ee jamhuuriyada Jabuuti.

Maraykanka ayaa muddo 10 sano ah ku daray degenaanshaha xerada militariga ee uu ku leeyahay magaalada Jabuuti oo ay ku sugan yihiin kumanaan ciidamadiisa ah.

Go’aankan ayaa la shaaciyey xili uu booqasho magaalada Washington ku tagay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Xerada Militariga Maraykanka ee Jabuuti ayaa ah goobta saldhiga u ah diyaaradaha drone-ka loo yaqaan ee uu Maraykanka ku duqeeyo kooxaha ka tirsan Al Qacida ee ku sugan dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

Exit mobile version