HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa la tukaday Shacbiga Caasimada Hargeysa qaar ka mid ah kuwaas oo uu kula tukaday Masjidka Rusheeye ee Badhtamaha Caasimada.
Madaxweynaha oo sidii caadada u ahayd maalmaha farxada Islaamka awgeed shacbiga Somaliland Yar iyo Weynba la qaybsada Farxada Ciidaha ayaa ku soo beegmaysa xili ay bulshada Somaliland u diyaar garoobeen Xuska Sanad guurada 23aad ee Gooni isu taaga Somaliland.
Mana aha markii ugu raysay ee Madaxweynuhu uu sidan oo kale ula tukada shacbiga isaga oo bilaa ilaalo ah, balse waa mid soo noqnoqonaysa tusaale buuxana u ah Nabadgelyada ay Somaliland ku naaloonayso hormuudkana ay ugu tahay mandaqadan aynu ku nool lahay ee Geeska afrika
WAJAALENEWS DESK
AHRGEISA OFFICE
EMail;wajalenews@gmail.com