WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay raafka ay Kenya ku hayso Soomaalida

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga iyo musaafurinta ay dowladda Kenya ku hayso Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Geelle ayaa sheegay in Kenya ay ka mid tahay dalalka ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya, , isla markaana ay soo dhaweysay Soomaali fara badan, loona baahan yahay inay iyaduna ilaaliso Soomaalida dalkeeda ku nool.

“Kenya waxay qayb ka tahay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, dowladaha u soo gurmaday ayay ku jirtaa; Soomaali badan ayaana soo dhaweysay, dhibaatooyin ka badan ayaana aad u dhaawacay, waa garanaysaa dhibaatada ay maanta ku jiraan,” ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inaanay wanaagsansyn in lagu xadgudbo Soomaalida oo aan si aan kala sooc lahayn loo raafo, isagoo xusay in taasi ay keentay la kala garan waayo Soomaalida Keenyaanka ah iyo Soomaalida kale.

“Dambiilaha waa in la soo qabtaa, maxkamad lasoo taagaa, dalkana laga saaraa, laakiin inaan la isku darin Soomaalida baa wanaagsan,” ayuu mar kale yiri Geelle oo intaas ku daray inuu ku baaqayo in dambiilaha iyo ruuxa aan dambiga lahayn la kala saaro.

Hadalka madaxweynaha Jabuuti ayaa imaanaya iyadoo Kenya ay Soomaaliya dib ugu soo celisay in ka badan 200-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo isugu jira caruur, haween, dhallinyaro iyo waayeel.

Dowladda Kenya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa tan iyo horraantii bishii Abriil ee lasoo dhaafay waxay ka wadeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi raaf ay ku hayaan Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay qayb ka yihiin falalka ammaan-darro ee ka dahaca dalkaas.

Exit mobile version