WAJAALE NEWS

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka jaray Mashariic Laga Hirgaliyay Wasaradda Warfaafinta Somaliland.

HARGEISA(Wajaalenews)Xafladan Xadhiga lagaga jarayey Dhismeyaayshan Cusub ee laga Hirgeliyey Xarunta Wasaarada Warafaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSl oo lagu qabtey Xarunta Wasaarada Warfaafinta Waxa ka soo qayb galey Mas’uuliyiin,Marti Sharaf, Fanaaniin iyo qaybo kale oo bulshada ah.

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Ugu Horeyn Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo Halkaas Hadal ka soo Jeediyey ayaa ka Warbixiyey Hormarka Balaadhan ee Xukuumadu u Qabato Dadkeeda isagoo Tusaale wacana u soo Qaatey Labadan Dhisme ee lagu soo Kordhiyey Xarunta Wasaarada Gaar ahaan Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Markii uu madaxwyne ku xigeenku hadalka jedinayey.

Maareeyaha Guud ee Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo isna Halkaas ka hadley ayaa ka Waramay maraaxilkii hirgalinta dhismahani soo martay Dhaqaalaha Ku Baxay Istudio yaashan Xadhiga laga Jarey Waxaanu yidhi “Qalabka Aanu ku Rakibney Istudio-gu waxa ku baxey $34 Dollar laba Kamaradood oo aanu ku Rakibney Istudioga Cusub waxa ku baxay isna $ 20 kun oo dollar halka qalabka kale ee ay ka mid ka yihiin Sound Prove-ka iyo Mixer ay ku Baxdey $10 kun oo dolla” sidoo kale wuxuu maareeyuhu ka warbixyey Qalabyada kale ee ay dhigeen Istudio-yaasha kale ee uu ka midka yahay Studio-ga Sweden oo uu sheegay iney dhigeen Qalab Cusub oo sahlaya in Toos ay ugu soo Xidhmi karaan Studio-ga Dhaxe kaasoo Habeen Walba oo jimce ah Hal Barnaamij oo Lacag loogu uruurinayo wadada ceerigaabo uu ka baxo Telefiishanka.

Exit mobile version