WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Safiirka Somaliland Ee Dalka Turkiga

Hargeisa(Wajaalenews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Waxa Uu Digreeto Madaxweyne Oo Sumadeedu Tahay, JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland U Fadhiyidoona Dalka Turkiga.

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (R) Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland U Fadhiya Dalalka Dibaddu U Leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay: In Baahi Loo Qabo Buuxinta Jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland U Fadhiya Dalka Turkiga;

 

Markuu La Tashaday: Madaxda Ay Khusayso;

 

Markuu Ku Qancay: In Uu Hanan Karo, Aqoon Iyo Kartina U Leeyahay Jagadan;

 

Wuxuu Go’aansaday

 

In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), Laga Bilaabo Taariikhda Maanta Uu Ahaado Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Turkiga.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-Hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

Exit mobile version