WAJAALE NEWS

lmo Mataano ah oo iyagoo isa salaamaya ku dhashay Mareykanka

Haweeney u dhalatay dalka Maraykanka ayaa isbitaal ku yaal gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ku dhashay mataano gacmaha is haysta.

Warbaahinta Maraykanka oo sheekadaan si gaar ah u hadal haya ayaa sheegaya in ilmaha yar yare e mataanaha dhashay oo la yiraahdo Sarah Thistlethwaiteoo 32 jir ah ayaa sheegtay in todobaadkii ugu dambeeyay ay dareemaysay culeys xad dhaaf.

 

Dhaqaatiirka haweeneydaan ka ummuliyay mataanaha gacmaha is haysta ayaa sheegay inay aad ula yaabeen markii ay arkeen labada ilmood oo gacmaha is haysta oo haddana isku dhaganayn.

Labada mataanaha ah oo loo kala bixiyay Jillian Jenna Thistlethwaite isbitaalka kusii jiri doonaa 2 illaa 4 todobaad si caafimaadkooda loo hubiyo.

Sarah Thistlethwaite oo hooyada caruurta dhashay ayaa tiri mar ay la hadashay wargeyska Daily Mail “Aad ayaan ugu farxay inaan arko caruurtayda oo nool dabcana waxaa muuqata inay calooshayda ku saaxiibeen oo ay dunnida yimaadeen ayagoo saaxiibo ah”. Dhaqaatiirka Maraykanka ayaa sheegay in 10,000kii kun ee Dumara ay mid ka mid ah dhasho caruur sidaan oo kale ah

Exit mobile version