Hargeysa(Wajaalenews) Laba iyo toban ka mid ah Liiskii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gudoomye Muuse Biixi Cabdi u magacaabayd guddida Fulinta ayaa war-saxaafadeed ay ku saxeexan yihiin oo ay warbaahinta soo gaadhsiiyeen goor dhaweyd ku Caddeeyey in aanay Guddidaas ka mid ahayn, isla markaana ay ku qanacsan yihiin Guddida ay magacaabeen Shirguddoonkii Shirweynihii Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye.
War-saxaafaddeedka ay soo saareen saareen laba iyo Tobanka Xubnood waxa uu u dhignaa sidan:-
Ujeeddo: War-saxaafadeed
Aanagoo ah xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin kana mid ah liiska Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku magacaabay guddida fulinta, waxaan caddaynaynaa in aanaan ka mid ahayn guddigaasi, aanuna ku qanacsanahay go’aamaddii ka soo baxay shirguddoonkii shirweynihii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye.
- Maxamed Jaamac Cabdi
- Ilhaan Maxamed Jaamac
- Eng: Abdullaahi Iimaan Warsame
- C/Najax Siyaad Cabdi
- Axmed Nuur Aw Cabdi Sheekh
- Axmed Xuseen Omane
- Cali Siciied Raygal
- Cumar Sheekh Maxamed (Cumar Yare)
- Sahra Maxamud Xuseen Barbaraawi
10.Baashe Yuusuf Axmed
11.Canab Nuur Xandulle
12.Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi
HARGEISA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM