WAJAALE NEWS

Haweenka Somaliland Oo Dalab Xasaasiya Hordhigay Golayaasha Sharci Dajinta

HARGEISA(Wajaalenews);Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan ayaa Goleyaasha Baarlamaanka ugu baaqday inay ayidaan baaqii madaxweynaha ee la xidhiidhay in haweenka la siiyo kuraasi gaar ah oo kooto loogu xidho doorashada Baarlamaanka ee fooda lagu wado inay dalka ka dhacdo.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) waxaan uga mahad celinayaa baaqyadii kala dambeeyay ee ay ugu dambaysay khudbadii uu dhawaan ka horjeediyay labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo wakiiladda) ee uu ku nuux-nuuxsaday in haweenka la siiyo ahmiyadda ay qaranka ka mudan yihiin,”ayay tidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenku.

“Waxaan ugu baaqayaa Goleyaasha sharci dejintu inay ajiibaan baaqyadda Madaxweynaha oo ay haweenka u xidhaan kuraasi kooto ah oo ay dhexdooda ku tartamaan doorashooyinka soo socda,”
Saamiga Haweenka ee Xukuumadda

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa xukuumaddii ugu horaysay ee Somaliland soo martay ee haweenka kaalin weyn ka siisay Golaha Xukuumadda, waxaanay ku leeyihiin Laba Wasiir iyo Laba Wasiir Ku xigeen, kuwaasi oo kala ah Wasiirka waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre, Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan iyo Wasiir Ku Xigeenka Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda Marwo Shugri Xariir Ismaaciil.

Exit mobile version