WAJAALE NEWS

Garabka Guddoomiyaha Kulmiye oo Aqbalay inay Hakiyaan Shirkii Golaha Dhexe ee ay ku Baaqeen

HARGEISA (Wajaalenews); Qoraal uu ku saxeexan yahay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, kuna taariikhaysan 30/05/2014, isla markaana ku sumaddaysan REF: XK/XGX/004121/2014, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey in la hakiyo shirkii Golaha Dhexe ee garabka Guddoomiyaha Kulmiye ay hore ugu dhawaaqeen inuu qabsoomi doono 31 bisha May 2014 oo ku beegnaa  maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale, war saxaafadeedkan ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen xadhiga lagula kacay Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Aminiga Somaliland.

haddaba, warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

 

Uj : jawaaab celin baaqii guddida golaha guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga kulmiye.

Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa  isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta sabtida .

Waxaanu ka xunahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray wasiir ku xigeenkii hore ee amniga  c/laahi abokor.

Waxaa kaloonu ka xunahay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in kulmiye ka danbeeyey , waxaanu marwalba dhiiri galinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa .

Waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabadooda ,wada jirkooda iyo xasiloonidooda .

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Xildhibaan : siciid cilmi rooble

 

Exit mobile version