WAJAALE NEWS

Dhiilada Colaadeed Ee Deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud Oo Noqotay Mid Joogto Ah, Xalkeeda Looga Gudbi karaa Waa Hirgelinta, Gaadhsiinta ,Balaadhinta iyo Ka Dhaadhicinta Diinta Islaamka Deegaanadaasi Waa ta Looga Gudbi Karo Dilka iyo Daadinta Dhiiga

BURCO(WAJAALENEWS);Xiisad Colaadeed  ayaa markale kasoo busboonaatay Deegaanada Bariga  Qorilugud iyo  Galbeedka Buuhoodle, waxaana maalintii shalay ahayd Maleeshiyo kasoo jeeda Buuhoodle ay khaarajiyeen Marxuum geel jire ahaa  wakhti uu ku guda jiray  caarida geeliisa, waxaana marxuumka loo toogtay sabab aan la garayn, maleeshiyada ayaa kibir iy ula kac badheedha  ku khaarajiyey marxuumkaasi waxaana shalay lagu aasay  Deegaanka Qorilugud.

Iyadoo lagu guda jiro Aaska Marxuumka dhintay  laguna hawlan yahay ayaa waxaa dhacday  weerar ay qaadeen  kooxo isgu jiray  Qarabaada Marxuumka iyo dadka kamida ehelkiisa  waxaana Rasaas ooda lagaga qaaday dad socoto ah oo Dariiq iska maraayey sida la sheeganayna midkood uu ahaa waayeel  kuwaasi oo lagu dilay aanada  ninka hore ee kibirka lagu dilay, waxaana sawaxanka iyo qeylada deegaanku ay noqotay mid cirka isku shareertay Dadka kasoo kala jeeda laba deegaan ayaa islamarkiiba isu hub uruursaday dhiilada colaadeed daraadeed.
Kacsoonada Xiisadaha Colaadeed oo mudo badan haatan soo jiitamaayey  isla deegaanadaasi  ayaa waxaa ay dhib weyn ku hayaan dadka shacab ah  ee isugu jira Reer Guuraaga, xoolo dhaqatada , kuwada ganacsatada ah kuwa socotada ahba ee halkaasi ku sugan, taasoo sababta inay naftooda ku aamini waayaan deegaanada labada dhinac , waxaana hada goobahaasi ka bilaabmay qax iyo kaa guur  xili la sughaayey nimcada iyo raxmaad alle ayey kusoo beegantay in dhiig islaam lagu daadiyo deegaanadasi colaada gaamurtay saamaysay.
Ilaa hada  wax xal buuxa ah lagama gaadhin si nabad iyo deris wanaag loogu soo dabaalo  Deegaanada aaga Qorilugud iyo Buuhoodle , mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa lasoo dhameeyey shaqaaqooyin hore uga dhacay  isla goobahaasi kuwaasi oo ay salaadiinta iyo waxgaradku  ku dhameeyeen is afgarad hasa ahaatee uma muuqato mid intaasi ku joogsatay ee waxay tahay mid sii socota,
Deegaanada Kalshaale, Maygaagle iyo Waliba Aaga Buuhoodle waxay noqdeen meelo si weyn looga agaasimo colaadaha dariseed waxay noqdeen goobo iyo deegaano aan laga qiimayn ruuxda bini aadamka iyo qiimaha ay ku leedahay alle agtiisa, waxaana meesha taala jaahilnomo dhanka diinta taasoo sababtay in qofkasta oo halkaasi ku sugan uu ku faano dilka ruux islaama, islamarkaana ruuxa wax dilaa uu halyey ka yahay deegaankaasi, balse oga inuu ilaahay agtiisa  aanu waxba ka ahayn kana galay danbi  xun dushana uu ku qaatay dhiig islaam.
Culimada, Salaadiinta, Waxgaradka iyo Waayeelka oo kaashanaya Dawlada  ayaa looga baahan yahay inay baadi goob u galaan nabad buuxda oo laga islaaxiyo Deegaanada si dadku u helaan xasilooni waarta iskuna aaminaan, waxaana kow ka barnaamijkaasi Horumarinta Diinta Islaamka iyo hirgelinta Maxado diimeed laga furo goobahaasi, Saldhigyo maamulo caadad ah ciidan u heegan nadada oo laga dhiso deegaanadaasi, islamar ahaantaana laysku soo hor fadhiisyo  dhamaan odayaasha, dhalinyarada iyo waxgaradka dadka labada dhinac si ay uga gudbaan marxalada dilka iyo daadinta dhiiga islaamka ee joogtada noqday.
 
Mohamed Elmi Hassan(Shiine)
Burco/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com
Exit mobile version