WAJAALE NEWS

Taageeryaasha Silaanyo Iyo Xaaladooda Maanta By Mukhtar Cilmi‏

Waxaan maanta maqaalkayganu ku saabsan yahay taageeryaasha xukuumadda kulmiye iyo wal walka ka haya doorashooyinka 2015, taageeryaashan oo muddo dheer isku maawelinayay khiyaali iyo been qalimadooda ku qora warbaahiinta dhexdeda siba wargeyska Dawan oo ah mid ku tusbaxaysta amaanta silaanyo runtina waxaan u aqaan dawan kuwaafir wajiga silaanyo logo qurxiyo!!, hadaba tageerayaasha xisbiga kulmiye waxa u muuqda wax aan dadka kale arkaynin,madaxdda saaxadda siyaasdeed aragti kale ayay ka leeyihiin xukuumadda silaanyo, siday u doonayaan taageeryaasha kulmiye in ay umadda ka dhaadhiciyaan fikirkooda oo runti beenooday waayahan danbe oo inti badnayd ee taageersanayd kulmiye ay albaabaha kumiye ka baxayn,kuwa taageersana sidaasi ayey horumarka u yaqaanaan danta ay bulshada ku dhex leeyihiina ugu hagaagaysaa, kulmiyehii shalay bal dib u eeg,kulmiyeha maantana eeg faraq weyn aya u dhaxeya!!,kulmiye beritoolase muxu noqon kara? Su’aashana waa ku khatar kulmiye hadi kulmiye laga guulaysto magacu ma sii jiri doona talow?!! , taageeryaashan kulmiye maanta xaaladoodu ma sahlana mana sahlanaani doono bilaha soo socda.

Amuurahani waxay cadaynayaa in warbaahinta Kulmiyeysani tahay mid xaga fikirka iyo xaga farsamadda labadaba ka caydh ah, xaga fikirka waa ka caydh oo halkii ay dawladda ay taageersanyihiin ugu ololayn lahaayeen waxa ay qabatay iyo waxa ay qaban doonto ee ay si xirfadaysan u abuuri lahaayeen afkaar ay dadka ku soo jiitan marxaladan, ayaa waxay miciin moodeen cay iyo aflagaado iyo been abuur iyo xaalad abuur iyo wax la mid ah,waxa ay qalimadda Kulmiyeysan la noqotay in dariqa keliya ee ay ugu adeegi karaan xukuumaddooda iyo xisbigoodaba kuna danbabasi karaan fashilaada ku habsatay xisbiga talada hayaa ay tahay in cududa mucaaridka la wiiqo oo la kala jabiyo gaadh ahaan Waddani oo la isku diro,la kala iibsado, waxay muddoyinkii ugu dambeeyay himiladooda ugu weyni ahayd in xaalad laga dhex abuuro laakin way u hir gali weedye waayo waddani waa xsbiga maanta ka taagerad balaadhan kulmiye oo saqiir ku dhex noqday saaxadda maanta.

Xaga farsamadana waa ka caydh oo xataa hal ku dhigyadda ay dadka soo hordhigaan waa qaar indhuhu ka didayaan!!, xisbiga Kulmiye ay qalinka ku taageeryaan oon ilaa imika soo bandhigin waxqabadkoodii siyaasadeed oo dadweynuhu ku qiimeeyo waxaana la filaya inuu kulmiye bulsho weynta hortooda ceeb weyn kaga imanayso wakhtiga olalaha doorashooyinka, tani na waxay ina tusaysaa in fashilaada ku habsatay Kulmiye ay qaybweyn ka qaadato qalimadda taageera xisbiga oo ilaa maanta ku fashilmay inay qalinkooda qofka akhriyaya ugu soo gudbiyaan qormooyin ka turjumaya siyaasadda uu xisbigoodu waddanka ku dhaqi inti hayen xilka iyo waxqabad micna ku fadhiya oo uu ku istaahilo in dib loogu doorto !!, balse waxad mooddaa in xaalka qalimadani noqday uun sidi ninkii waalnaa ee foostadda gunta ka daloosha biyaha ka buuxi is laha !!.

Had iyo jeer baa waxa muran la galin karin waxqabadka iyo habsi u socodka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani inuu yahay xisbiga soo noolayn kara rajadi naga dhimatay 4tan sanadood ee nogu danbiyay oo aan maanta wax maxsuula laga hayn, marka aad eegto taageerayaasha xisbiga Waddani waxa ku bahoobay dadka inta wax garadka ah ee cilmi iyo aqoon leh, waayo marka la barbar dhigo labada xisbi ee kale waa uu ka mawqif duwan yahay,labada xisbi ee kale waxa ku bahoobay fikrado kala duwan oo aan marxalada soo socda ku haboonayn somaliland, marka aanu maqalno cid ku dhawaaqaysa una sacabinaysa xisbiga Waddani waxa naga rajo fiican taas oo aanu diyaar la nahay cod xor ah inaanu ku doorano xisbiga Waddani maalinta ay timaado doorashaddu, taasina waa kalsoonidda aanu ku qabno maamulka Waddani, kaliya maxaad u baahantahay hadi lagaa dhiso xaga waxbarasho, iyo xag dhaqaale, hadaba taageeraddu ma aha xamaasad dalkuna wuxuu soo maray wakhti aad u kulul oo sicir barar iyo musuq maasuq ay ugu wayntahay maanta,sida looga niyad jabay xukuumadda Somaliland adigoon tilmaamin meela kaleba ku qabaw biyo la’aanta saamaysay shacabka, haddaba miyaanad ahayn isbadal doon? haday jawaabtu tahay haa xisbiga aad taagerayso ha ku taageerin xamaasad ku qaada ee ku fikir mustaqbalkaaga, taageeraddu ma aha qabiil, ma aha laaluush la qaato, ee waa ta qof ahaan lagaa samaysto,waxana inshalaah aan kursiga ugu rajo waynahay xisbiga Waddani oo ah xisbiga ugu qabow.

 

Khadar2244@hotmail.com

Mukhtar Cilmi

Exit mobile version