WAJAALE NEWS

Cali Khaliif Oo Wasiir Xaglo Toosiye Ku Hanbalyeeyey Imaanshaha Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle(Wajaalenews)Waxa habeen hore ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Shir Odayaasha Beelaha Buuhoodle soo Qaban qaabiyeen oo ay kula shirayeen Wasiirka Cafimaadka Somaliland, Shirkaas oo ay ka soo Qaybgaleen Odayaasha Magaalada, Masuuliyin Ka Socotay Khaatumo Iyo Siyaasiga Dr: Cali Khalif Galaydh.

Shirkaa lala yeeshay Wasiirka Xaglatoosiye aya lagaga wada hadlay Horumarinta Degaanka Buuhoodle Iyo Arrimo Ku Saabsan Siyaasada iyo Xaalada Degaankaasi, Dr: Cali Khaliff ayaa soo Dhoweeyay Socdaalka Xaglatoosiye ku Yimi Magaalada Buuhoodle isago Ku Bogaadiyay Socdaalkaasi, waxaanu u qiray inuu yahay Nin Wadani ah oo degaankiisa jecel waxna doonaya inuu u qabto, iyado Siyaasiinti hore Gobolkaasi uu Dhashay uu ku tilmaamay inay Dayaceen oo Xilal iska doonteen, Dib na aanay u soo jaleecin Magaaladoodi iyo Degaanadoodi.

Wasiirka Cafimaadka aya sheegay in Xukummada Axmed Silaanyo Ugu Deeqday Baabuur Ambulance oo Baahi Badan ay u Qabtay Magaalada Buhoodle, waxaanu Sheegay inay Dhagax dhigayaan Xarumo Caafimaad iyo Goobo Waxbarasho oo ay aad ugu Baahanyahiin Degaanku.

Geesta Kalena Odayasha Magaalada Buuhoodle ayaa soo Dhaweeyay  Socdaalka Wasiirka Somaliland ee Xaglatosiye iyago Sheegay inay Diyaar uu yahiin Nabad, iyo wax kasta oo dadka degaanka Ku saabsan Ku soo Dabaali kara Horumar, waxaanay sheegeen in ay ka daaleen Dagaal iyo Rabshad.

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

Exit mobile version