WAJAALE NEWS

Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimhii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta .

Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Ayaa Maanta Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Iyo Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta wasaarada ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada diinta iyo aw qaafta,agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha somaliland,culimada wasaarada iyo shaqaalaha wasaarada.
    

Ugu horeyn waxa munaasibada ka hadlay Faah-Faahin ka bixiyey waxqabadkii wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliladn agaasimaha masaajidada ee wasaarada Diinta iyo aw qaafta waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Munaasbadan aynu u samayne xil wareejinta agaasimaha cusub ee wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland iyo agaasimihii hore ee wasaarada,hadaan xog idinka siiyo siday ay u shaqayso wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland in dhawaydba sidaynu wada ognahay farta lagu yara godi jiray,lakiin maanta waxa ay maraysaa nuur calaa nuur,waxaanada maanta indhihiina ku aragtaan sida ay wasaaradu u kala baxday iyo quruxda taala waxaas oo dhana wasiirka ayaa sabab u ah.

    

Dhinac Kale Waxa Isna Munaasibadaasi Kalmada Ka Jeediyey Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Aq Qaafta Somaliland Ee Gobolka Maroodi Jeex Sheekh Maxamed Ibraahin Jaamac Waxaana Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay.

“Sidaas la sheegay xilku waa meerto maalinbana nin ayaa haya ninkaas hayan waxa laga doonayaa inuu kasoo baxo kaalinta loo dhiibay,wasaarada aynu maanta joognaa waxa aynu odhan karnaa waa wasaarada hormuudka u ah wasaaradaha dawlada maxaa yeelay waa meel diinta islaamka lagu ilaaliyo kana dhaqan gashay diintiin lagu hagi lahaa dalka laguna dhiqi lahaa dadka shacabka ah.
    

 Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”waxa ay wasaaradu midayse Eedaanadii salaada ee ka  bixi jiray masaajidad,waxa ay keentay oo ay ka hawl gashay idaacada quraanka kariimka ah taas oo dalka qaarkood laga dhagaysto,waxaana ay markasta shacabka ugu adeegtaa xaga diinta islaamka iyo hab dhaqankeeda.

Agaasimihii Hore Ee Xilka Wareejinayey Oo Isn Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Munaasibada Kusoo Bandhigay Waxqabadkii Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Intii Uu Joogay Waxaa Uu Yidhi”

“Marka hore waxaan mahad naq gaar ah udirayaa madaxwaynaha somaliland oo maanta xilkii aan hayey iga nasiyey agaasime cusubna uso magacaabay xilku waa meerto waanan ku faraxsanahay xilkaas uu iga nasiyey,wasaarada markii aan imi kolay sida aan maanta kaga tagayo may ahayn waxaan kusoo kordhiyey inaanu midayno eedaanka masaajidada,inaanu dhismo xarumaha ay wasaarada diinta iyo aw qaafta ku leedahay gobolada iyo inaanu ka hawl galno sidii aanu wasaarada kor ugu soo qaadi lahayn wasaarada iyo shaqaalaheeda,halkan aynu maanta joogno kumaa ay jirin wasaaradu ee waxa ay ku jirta kaanbool yar dhismahana waxa u keenay masuuliyiinta wasaarada iyo wasiirka oo uu ka kaw yahay wasiirka wasaaradu.

Agaasimihii hore ee wasaarada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”waxaan mideeyey shaqaalaha wasaarada waxaanan hal hays u lahayn waar shaqaalahu waa yaraan karaa ee tayo aynu ku kabno waxaanu shiri jirnay toddobaadkiiba maalinta isiniinta waxaan kale oo aan wasaarada u sameeyey buug wayn oo lagu xaadirin jiray wasaarada madaamo oo aan udiidi jiray inuu qofku habsaama saddexdii biloodna mar Ayaan soo dhajin jiray qofba siday ay tahay shaqadiisu.

Sidoo Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Agaasimaha Cusub Ee Loo Magcaabay Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi waxaana uu yidhi”Marka Hore Waxaan Mahad Naq balaadhan usoo jeedinayaa Madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo usoo magacaabay inaan noqdo agaasimaha wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland ayaa marka hore mahad iska leh,madaxwaynahu waa madaxwaynahii kaliye eek u dhiirada inuu diinta tayeeyo shaki kuma jiro  hadii aynu tirino inta uu wasaarada diinta iyo aw qaafta u soo qabtay,kolay waad dareemi kartaa waxa ugu horeeya idaacada quraanka kariimka ah tartamada quraanka ku xidh-naanshaha uu ku xidhnaado culmi aw diinka reer somaliland iyo balan qaadkii ugu danbeeyey ee uu ka hor akhriyey labada gole taas oo ahayd inuu samayn doono dalada kulmisa culimada diinta runtiina madaxwaynaha somaliland waan ku amaanayaa waxaan leeyaha hambalyo mudane madaxwayne.

Agaasimaha cusub ee wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland sheekh Aadan Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wat ayaa waxa uu yidhi”

“waxaan isna u mahad naqayaa agaasimaha aan maanta xilka kala wareegay marxaladihii adkaa ee uu lasoo maray iyo heerkaas uu maanta soo gaadhsiiyey waxaan ku leeyahay waad ku mahad santahay agaasime waxaan kuu rajaynayaa inuu ilaahay miisaanka xasanaadka kuugu daro fadligaas,runtii isha ayaa macalin ah waxaan aad ugu faraxsanahay guushaas uu wasaarada usoo hooyayey iyo sida u qurux badan tahay.

Gabo-Gabadii waxa munaasibada soo gunaanaday wasiirka wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland sheekh khaliil cabdilaahi axmed oo xilkana ukala wareejiyey labada agaasime waxaana uu agaasimhii hore ilaahay uga baryay inuu miisaanka xasanaadka ugu daro intii ay soo wada shaqeyeen iyo waxa uu qaranka u qabtayba waxaana uu agaasimaha cusub isna ku booriyey ina ay shaqo iyo hawl u taalo,shaqadiisana ilaahay ku garan galo.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version