London (WAjaalenews)- Wasiir Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa qoraal uu u diray shirweyne dalalka Midowga Yurub iyo Afrika ku yeesheen wadanka Belgium ku iftiimiyey khatarta aqoonsi la’aantu ku hayaan guulaha Jamhuuriyadda Somaliland ka gaadhay dhinacyada dimoqraadiyadda iyo xasilloonida.
Shirka dalalka Midowga Afrika iyo waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub oo muddo laba maalmood ah (2 ilaa 3 April) ka socday xarunta EU-da ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxa la soo gunaanaday Khamiistii shalay, shirkaasoo ay ka qaybgaleen madaxda Afrika iyo Yurub, waxa muddadii uu socday lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada qaaradood, ammaanka iyo nabadda, dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga, horumarinta nolosha dadka, is-dhexgalka bulshooyinka, xoojinta iyo joogtaynta horumarka dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka dadweynaha ku dhaqan labada geesood.
Wasiirka Khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shirkaas u diray qoraal uu kaga hadlay dhibaatooyinka iyo caqabadaha aqoonsi la’aantu ku hayso horumarka iyo xasilloonida Somaliland, isagoo xusay in taageero caalami ah la’aanteed ay khatar ku sugan yihiin guulaha dhinacyada kala duwan ah ee dalku gaadhay muddada 22-ka sanno ah ee uu ka madaxbannaanaa Soomaaliya inteeda kale.
“Shirka afraad ee ay leeyihiin Midowga Yurub iyo Afrika, waxa uu fursad siinayaa iftiiminta guulaha iskaashiga muhiimka ah ee u dhexeeya labada qaaradood iyo weliba dhinacyada la iska kaashan karo mustaqbalka. Dawladda Somaliland oo taageero ka helaysa Midowga Yurub, waxay dhistay dimoqraadiyad, iyadoo la kobciyey adeegyada caafimaadka, waxbarashadda oo la kobciyey iyo guud ahaan wanaag ku noolaanshaha muwaddiniinteeda.
Si kastaba ha ahaatee, horumarka Somaliland ku tallaabsatay waxa uu ku sugan yahay khatar halis ah, deganaanshaha iyo xasillooni ayaannu si adag ugu guulaysannay, laakiin, halis bay weli ku jiraan haddii aan la helin taageero caalami ah si loo sii xoojiyo korriinka dhaqaalaha iyo deganaanshaha,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Waxa kaloo uu sheegay in aqoonsi la’aan aanay Somaliland awood u lahayn inay hesho taageero lacageed ee ay u baahan tahay si loo kobciyo dhaqaalaha, waxaannu yidhi; “Waxa nalaga diiday in aannu ka qaybgalno, kursina ka helno miiska lagaga doodo qaditadaha adduunka iyo arrimaha saamaynta tooska ah ku leh qaarada Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka, sida heshiisyada ganacsi ee qaaradda.”
Sidoo kale, Md. Maxamed Biixi, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in si kasta oo ay tahay haddana Somaliland sanno badan si dhaw ula shaqaynaysay Midowga Yurub, isla markaana ay dawlad ahaan soo dhawaynayaan joogtaynta taageerada caalamiga ah ee qaaradda Afrika hesho, gaar ahaan dalalka mandaqadda Geeska Afrika.
wajaalenews.net
xafiiska wararka hargeisa