WAJAALE NEWS

Warsaxaafadeed Sonsaf: Doorka Warbaahinta.

HARGEISA(WAJAALENEWS);Tan iyo Markii Saxaafadda Somaliland iyo Hay’adda Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn ee Somaliland (SONSAF) ay si wada jir ah u bilaabeen in ay iska kaashadaan wax ka qabashada baahiyaha badan ee haysta saxaafadda Somaliland. Waxa u suurta-gashay in ay SONSAF qabato kulamo iyo cilmi-baadhis isdaba-joog ah, kuwaasi oo noqday kulamadii ugu horreeyey ee noocooda ah oo  si rasmi ah oo xeel-dheer saxaafaddu dhexdeeda isugu aragto, ka dooddo, kana wada hadasho baahiyaheeda iyo duruufaha aasaasiga ah ee u gaarka ah, kuna shaqayso. Waxa labada dhinac u suurta-galay in ay wax badan arrimahaasi ka qabtaan iyada oo kulamadii la qabtay ay ka soo baxeen arrimo badan oo muhiim ah.

Kulamadaasi ay saxaafadda Somaliland isugu timid ee ay gacanta ka siisay SONSAF waxa ay suurta-galiyeen in laga soo ururiyo xogo rasmi ah oo saxaafadda dhexdeedu in badan lafa-gur ku samaysay oo ra’yi ururin ah. Xogahaasi oo isugu jiray caqabadaha maanta haysta Saxaafadda Somaliland iyo duruufaha adag ee ku gedaaman saxafiga iyo hay’addaha warbaahinta. Kuwaasi oo ay lagama-maarmaan noqotay in la ururiyo xogtaasi lagana dhigo mid dhigane ah, si loogu hawl galo wax ka qabashaddeeda iyada oo loo kala samaynayo jaranjarooyin kala horreeya si tallaabo kasta oo arrimahaasi kamid ah xal loogu helo.

Kulankii ugu dambeeyey oo aynu maanta u fadhinaa waxa uu noqon doonaa mid aynu ku soo bandhigi doono warbixin dhammaystiran oo lagu soo ururiyey dadaaladii kala dambeeyey ee arrintan loo soo galay iyo wixii ka soo baxay doodihii, aqoon-iswaydaarsiyadii iyo lafagurkii lagu sameeyey xaaladda dhabta ah ee saxaafadda Somaliland. Iyada oo himilada soo bandhigga warbixintaasi tahay sidii aan u dhugan lahayn si waafi ahna uga dhergi-lahayn wixii ka soo baxay dadaalkii cuslaa ee aan gelinay in aan ku daraasayno baahida saxafiga iyo saxaafadda Somaliland.

Warbixintani waxa ay xambaarsan tahay macluumaad badan oo arrinkaasi gundhig u ah waana ta aan ku shaqayn doono sidii aan xal rasmi ah ugu heli lahayn innaga oo kaashanayna dhammaan daneeyayaasha saxaafadda Somaliland Gudo iyo Dibadba, gaar ahaan daneeyayaasha saxaafadda ee Bulshada Caalamka iyo Hay’adaha aynu wada shaqaynta leenahay iyo kuwo aan xidhiidho la samayn karnaba, waana tallaabo horumar ah oo muujinaysa in saxaafaddu maanta horumar ka gaadho in ay markii ugu horraysay noqoto mid is qiimaysa, dhibta haysatana ka fikirta sidii ay uga bixi lahayd haddii ay tahay dhibaatooyinka faramo, dhaqaale, aqooneed ama sharciba.

Talooyinka ka soo baxay kulamadii saxaafaddu isugu timid:

 

 

ALLAA MAHADle

Guddoomiyaha SONSAF

Mustafe Sacad Dhinbiil

Exit mobile version