WAJAALE NEWS

War-saxaafadeed: Wasaaradda Duulista Oo Beenisay War Uu Maanta Ka Baahiyey Wargeyska Hargeysa Ka Soo Baxaa

HARGEISA(WAJAALENEWS ;Wasaaradda Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war uu maanta baahiyay wargeyska Ogaal oo fidmo lagu kala dhex dhigayay wasaaradda iyo bulshada ku dhaqan deegaanka Koonfurta Hargeysa.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka wasaaradda Duulista Saddaam Maxamed Axmed, waxaanay wasaaradu u soo jeedisay wargeyskaasi inuu raali-gelin ka bixiyo warkaas been abuurka ay ku sifeeyeen, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wassaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxay ay si adag u beeninaysaa war Been abuur ah oo uu maanta qoray wargeyska Ogaal Caddadkii 2243 ee soo baxay 13/ April/2014, oo ciwaan looga dhigay “Wasiirka Duulista oo ku Eedeeyey beesha degta Koonfurta Hargeysa inay Doonayso Sidii ay Baloodho uga dhigan Lahaayeen Madaarka Hargeysa.”

Wargeyska ayaa warkiisa ku daray hadal uu sheegay inay laga soo xigtay Wasiirka Duulista, kaas oo wargeysku warkiisa ku xusay inuu ka soo xigtay Warbaahinta dawladda.

Haddaba, wasaaradda Duulista Iyo Hawaddu waxay halkan ku cadaynaysaa in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaasina aanay jirin goob Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu eedo ugu jeediyey dadka degan deegaanka Koofurta Hargeysa.

Warkaasi been abuurka ah oo looga dan lahaa in fidno iyo xumaan lagu dhex dhigo Wasaaradda duulista iyo dadka deegaanka Koonfurta Hargeysa oo wada shaqayn aad u weyni ay ka dhaxayso, wada shaqayntaasna oo ay hormood ka yihiin guddida deegaanka iyo Suldaanka Guud. waxaanu ka xunahay in Wargeyska madax banaan uu been abuur noocaas oo kale ah ummadda u baahiyo.

Ugu damabayntii Waxaanu wargeysa Ogaal uga fadhinaa inuu raali galin buuxda ka bixiyo warkaasi been abuurka ah ee u qoray, haddii ay taasi ku guul daraystaana waxa aanu qaadi doonaa talaabo dhinaca sharciga ah, annaga oo dacwad ka dhan ah ka furan doona Maxkamada ay khusayso arrintani.

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.

Exit mobile version