Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer waxay ka mid tahay magaalooyinka rabi ku manaystay biyaha, waxaana jira baahi badan oo biyo la,aaneed taasi oo ka taagan gudaha magaalada burco ayna cabasho xoogan ka muujiyeen qaar kamida dadweynaha reer burco, lama garanaayo sababta keentay biyo yaraanka ka jirta burco xili ay dhawaan Wakaalada Biyaha Burco soo bandhigtay wax qabadkeedii sanadla ahaa sidoo kale soo badhigtay gaadiid iyo qalab cusub oo ay ku tilmaantay horumar ay gaadhay.
Guud ahaan ceelashii biyayaha magaalada burco ayaan ahayn kuwo shaqeeya halka kuwo kale oo kamida ceelashii dawlada ay la wareegeen gacan ku hayntooda dad shicib ah kuwaas hada iyagu maamula ceelashaas waana sababta lagu sifeeyey biyo la,aanta laga qeylinaayo gudaha magaalada burco, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco ayaa warbaahinta ka sheegay marar badan inay ku geelaysteen hirgelinta biyo ku filan caasiamda labaad ee dalka basle ilaa iyo hada ma cada arinkaasi.
Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa Madaxweyne siilaanyo u magacaabay jagadaasi wakhti aanay hore Wasaaradani dalka uga jirin iyada oo gaara balse ay ku lamaanayd Wasaarada Macdanta Wasiirka ayaa maalintii loo dhaariyey xilka wasaaradaasi ayuu qaaday masuuliyada Wasaaradaasi, hasa yeeshee wali wasiirkan ayan kasoo bixin shaqadii uu madaxweyne siilaanyo u igmaday oo ahayd inuu ka war hayo xaalada biyaha dalka, Wasiirku tiramada dhawr jeer ayuu soo booqday magaalada burco waxaana kasoo qeyb galay xaflado ay dhigatay Wakaala Biyaha Burco (WBB) walina muu arag meel ay ku yaalaan Ceelasha Waraabiyaha Magaalada .
Dhawaan ayey ahayd markii ay Wakaalada biyaha Burco soo qaban qaabisay Xaflad sida ay ku sheegeen ku xusaysay Waxqabadkoodii Sanad laha ahaa, waxaan xafladaasi lagu soo badhigay gaadhi noociisu yahay PARADO islamarkaan la sheegay in lasoo siiyey Lacag dhan dhawr iyo toban kun oo doolar lacagtaasi oo laga soo amaahday Baanka Dhexe ee Somaliland, Sidoo kale waxay Wakaaladu soo bandhigtay Riwaayad si qaawan loogu weeraray Dalwada Dhexe iyo Xildhibaanda Golaha Deegaanka Burco oo ahayd mid meel ka dhaca, Wasiirka Biyaha ayaa 300KM usoo socday si uu wax uga soo qaato una soo xanbaarto lacagta amaahda ah ee diyaarka loola yahay.
Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco ayaan qiray inaan Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Daacad ka ahayn Shaqada Wakaalada islarmaana ay ku jiraan Gacmo, sidoo kale maamulka Wakaaladaasi aanu ahayn sidii loo baahnaa shaqadiisuna aanay u socon sida Xafiis dawaldadeed, Waxaana ay taasi ku macneeyeen inay jiraan Gacmo si gaara u adeegta Wakaaladaasi arintan ayaa fajiso ku ah dadka reer burco, sidoo kale Dadka reer burco ayaa Wasiirka Biyaaha Somaliland u bixiyey Magac aan hore loo maqal waxaanay ku naanayseen (Wasiir Xaaluf Daaq), tan ayaa ka qoslisay in badan oo kamida dadka reer burco, Wasiirka Biyuhu marka uu yimaado magaalada burco wuxuu isla casarkaba dib uga caraabaa Magaalda Burco.
Xukuumada Madaxweyne siilaanyo ayaa moogan Hab dhaqanka Wakaalada Biyaha Burco oo si guracan u shaqeeya halka wasiirka Biyuhu aanu ka war hayn xalaada biyaha ee dalka ayna tahay shaqadii uu ku dhaartay wakhtigii xilka loo igmaday, wali ma cada damaca uga meel yaala wax ka bedelka xukuumada Wasaarada iyo maamulka Wakaalada Biyaah Burco
qalinkii; Mohamed elmi hassan <shiine1433@hotmail.com