WAJAALE NEWS

Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Internetka bixiya oo dhaqangaliyey amarkii maxkamadda Hargeysa iyo tobab casriya oo sheegeen inay wararkooda ku gaadhsiin doonaan akhristayaashoodda

Hargeysa (Wajaalenews)-Shirkadaha adeegga Internetka bixiya ayaa fuliyey go’aankii maxkamadda gobolka Hargeysa ku xayirtay in la booqdo wararna dalka gudihiisa laga galiyo mareegaha internetka ku leeyahay Wargeyska Haatuf.

Shirkadaha Telesom, Somtel iyo Africa online, ayaa si toos ah u fuliyey inay dhaqan galiyaan amarkaasi ka soo baxday Maxkamadda sida uu noo xaqiijiyey tifaftiraha wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige.

Xukuumadda ayaa hore u dalbatay inay xayiraad ku soo rogto Wargeyskii maalinlaha ahaa ee Haatuf iyo wargeyskii Ingiriisiga ku soo bixi jiray ee la mataannaa ee SomalilandTimes.

Talaabadan ay xukuumaddu ku xayirtay booqashaddii ama galitaankii  Mareegaha internetka ee Haatuf ayaa ah mid ku cusub guud ahaan Somaliland, isla markaana noqonaysa tii ugu horeysay ee lagu fuliyo, iyadoo horana xafiiskeeddii ula wareegeen ciidamadda amniga.

Tifaftiraha wargeyska Haatuf Axmed Cige ayaa sheegay inay siyaabo kale ugu gudbin doonaan bulshadeedda, isla markaana tiknooliyadan casriga aanay cidi hor istaagi Karin, isagoo akhristayaashooddiina ugu baaqay in aanay ka war warin webstyaddii laga xidhay, balse horumarka caalamku ka gaadhay war tabinta iyo inay dadweynaha wararka u baahan yihiin gaadhsiiyaan aanay xanibi doonin talaabadan xukuumaddu ku joojisay galitaankii websiteyadda

Dhanka kale madax xidhiidhka dadwayanaha shirka telesom mr darbo oo aan wax ka waydiinay arinka amarka maxkadamada inay fuliyeen iyo in kale wuxuuna noo sheegay in anay wali hayn arintaa xayiraada xaga internetka wax ka jiraana aanay jirin

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM..

Exit mobile version