WAJAALE NEWS

Maxkamada Hargeysa oo mudaysay dhegaysiga Dacwad la filaayo in xukumada siilanyo ku oogto Gudoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf.

HARGEISA(Wajaalenews);Maxkamada Hargeysa ayaa baahisey qoraal ay ku mudaysay dhegaysiga dacwad la filaayo in xukumada Siilanyo ku soo oogi doonto Gudoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska haatuf.

Qoraalka Maxkmada Hargeisa oo dhamaystiranina wuxuu u dhignaa sidatan:

Dhibane: Qaranka JSL iyo dhibbaneyaal

Eedeysaneyaal 1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)

2 – Axmed Cali Cige (Tifaftiraha Wargeyska Haatuf)

Ku eedaysan qoddobada 287, 215, 328, 269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.

Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyada oo tixraacaysa gal-dacwadeedka summadiisu sare ku xusan yahay ee ka dhexeeyay labada dhinac ee sare ku xusan, waxay u mudaysay maxkamadu maalinta Axada ah ee taariikhdu tahay 04/05/2014 marka ay saacadu tahay 9:00 subaxnimo, waxa la amrayaa eedaysaneyaasha inay ka soo qaybgalaan dacwada ciqaabta ah ee summadeedu sare ku xusan tahay.

Sidaas darteed, waxa la farayaa eedaysaneyaasha inay dhawraan waqtiga iyo saacada loo qabtay.”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version