WAJAALE NEWS

maamulka puntland oo ka hadlay maxaabiistii budhcad badeeda ahayd ee maalintii shalay ka baxsaday jeelka magaalada boosaaso

garoowe(Wajaalenews)Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Diinta ee Dowladda Puntland Maxamed Faarax Aadan (Canjeex) ayaa ka hadlay fal shalay ka dhacay Xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso oo ay maxaabiis ku xirnayd ay baxsadeen.

Wasiir kuxigeenka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada asluubta ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan 13-kamid ah maxaabiistii baxsatay oo ay qaarkood dhaawacyo fudud soo gaareen.

Labo kamid ah maxaabistii baxsatay ayuu xaqiijiyey in aan weli gacanta lagu soo dhigin iyadoo Ciidamada ay baadi goobayaan.

Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii fal la mid ah uusan mar kale u dhicin.

Maxaabiista shalay isku dayday in ay baxsato ayaa ahaa kooxo Burcad badeeda laga soo celiyey Jaziirada Seychelles oo dalkoodii loo keenay in ay dhameystaan xukuno lagu riday.

wajaalenews.net

 

xafiiska wararka hargeisa

Exit mobile version