WAJAALE NEWS

KENIYAANKA OO LACAG FAALSO AH BAASHE CAWIL (MORGAN) UGU BADELAY 2 MILYAN EE DOLLAR EE AY KAGA QAADEEN MADARKA NAIROBI SANADKII211KII

Hargeisa(WJN)Lacagtii labada milyan ee doollar ahayd ee Baashe Cawil iyo afadda Madaxwayne Siilaanyo marwo Aamino Waris lagaga qaaday madaarka Nairobi sanadkii 2011-kii ee markii danbe loo soo celiyey ayaa hada la xaqiijinayaa in Bilayska Kiiniyaanku ay labadii milyan ku badeleen doollar  faalso ah (Foorjari) taas oo ay Baashe Cawil ku khasbeen inuu waliba lacagtaas Foorjariga ah dalka Kenya ka saaro, hadii kale ay kashifi-doonaan isla markaana ku soo oogi doonaan kiisas ka dhan ah isaga iyo sodah-dii oo ka dhigaysa dambi wadankaas ay ka galeen.

Sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw

safaaradda Ingriiska ee magaaladda Nairobi oo isha ku haysay dhaq-dhaqaaqyadaasi Labadda Milyan ee Doollar ee Foorjariga ah, taas oo uu Baashe Cawil markii danbe kula soo noqday Somaliland ayaa la sheegay in noodhadhkii lacagtaasi aakhirkii lagu gubay dalka gudihiisa.

Sheekada dhacdadan ku saabsan ee hore loo haystay ayaa ahayd in Kiiniyaanku ay Baashe lacagtii si dhibyar ugu celiyeen, taas oo u cuntami wayday dad badan oo xogogaal u ah musuq-maasuqa Kiiniyaanka iyo waliba hunguriga ka soo dhaca marka ay arkaan wax ay Soomaalida ugu soo mar-marsiiyoodaan.

 

Wajaalenews.net

Xafiiska wararka hargeisa

Exit mobile version