WAJAALE NEWS

Gudoomihii urursiyaasadeedkii hadhay ee rays oo sheegay in uu u taagan yahay xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye

Hargeisa(WjN)Guddoomiyihii Hore Ee Urur Siyaasadeedkii Rays Xasan Gaafaadhi Oo Hada Ku Sugan Hotel Anbasator Ee Magaalada Hargeisa Ayaa Ku Dhaweaaqaya In Uu U Sharxan Yahay Gudoomiye Xigeenka Koowaad Ee Hiogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Uu Ku Fadhiyo Maxamed Kaahin Axmed.

Wararka Hada Aan Ka Helayso Ayaa Sheegaya In Xasan Gaafaadhi Casuumad Uu Ku Muujinayo Musharaxnimadiisa Ku Qabanyo Hargeysa, Isla Markaana Uu Bixiyey Casuumadda Dadka Ka Soo Qayb Galaya Bandhigiisa Musharaxnimo.

Xasan Gaafaadhi Ayaan La Garanayn Meesha Uu Ka Marayo Go’aankii Xisbiga Kulmiye Ku Gaadhay In Aan Tartan Loo Gali Doonin Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Hase Yeeshee Talaabadiisani Waxay Daah-Furaysaa In Ay Jiraan Siyaasiyiin Aan Xisbiga Ku Waafaqsnayn Go’aankaas, Inkasta Oo Aan La Saadaalin Doonin Taageerada Ay Ku Kasban Doonaan Aragtidooda.

Xasan Gaafaadhi Ayaa Hormuud U Ahaa Xisbigii Rays Eek U Hadhay Tartankii Ururada Siyaasadda, Tan Iyo Xilligaasna Waxa Uu Mar Walba Muujinayey Hankiisa Siyaasadeed, Isagoo Markiiba Ku Biiray Kulmiye.

Haddii Ay Xasan U Suurtogasho In Uu Helo Cid Kale Oo Uu Ku Qanciyo Aragtidiisan Xisbiga Go’aankiisa Ka Soo Horjeeda Waxa Kulmiye Ka Dhex Oogmi Doona Loolan Kale Oo Lagu Bartilmaameedsan Doono Kuraasta Xubnaha Kale Ee Hogaanka.

Wajaalnews.Net

 

Hargeisa/Office

 

 

 

 

Exit mobile version