HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxweynuhu Reerkiisa Ama Godob Buu Dhaxalsiiya Ama Gobonimo
Qof kasta oo xukun ummadd u qabtaa’i kolay qaybaha dadku u qaybsamo uun buu qabiil ahaan mid ka mid ah ka dhalanayaa. Waxa dhacda in qofka xukunka haya ay beeshiisu markiiba caan ka noqoto beelaha kale iyo dadka dhexdiisaba.
Hadaba shakhsiyaadka xukunka qabta ayaa xeel dheeraantoodu keentaa in qabiilka ay ka dhasheen taariikh ahaan uga tagaan dhibaato lagu hayb-sooco oo ay dadka kaga dhex baxaan ama mid lagu xurmeeyo marka qofkii ka dhashay uu xukunka ka dago.
Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa meeqaamkii iyo taariikhdii uu reerka Mareexaan la yidhaahdaa ka dhaxlay qabaa’ilkii Soomaalida dhexdooda markii uu dhacay taliskii Siyaad Bare iyadoo Soomaali kale iska daayoo ay ka takoormeen Daarood dhexdiisii oo ilaa imikadaa ay kolba qabaa’il kale is-bahaysi la samaynayaan.
Dhibaatada ay dadka kaga dhex baxeen waxa u soo hooyey xukunkii Siyaad Bare ee ay is-xigsiiyeen iyo maamulkiisii iyaga ka soo dhaweysan jiray qabaa’ilkii kale oo ay ugu sawirmeen reerkii taliska lahaa taas oo dhaxalsiisay in godobtii taliskaasi lahaayoo dhan ay iyaga reer ahaan ugu hadho.
Tusaalaha labaad waxaynu usoo qaadan karnaa Maxamed Ibraahim Cigaal markii uu xukunkii uu hayey geeridu ka kaxaysay qabiilkii uu ka soo jeeday ee Ciise Muuse may dhaxlin wax godob ah oo ka gooniyaysa mushtamicii ay ku dhex noolaayeen, taasna waxa keentay xeeldheeraantii Madaxweyne Cigaal oo xukunkiisa iyo agagaarkiisaba ul dheer iskaga fogeeyey haybta Ciise Muuse ee uu ka dhashay isla markaana dadka ka soo jeeda beesha Ciise Muuse may dhicin inay xukunkii Cigaal isku dhedhejiyaan oo ay qabaa’ilka kale iska xigsiiyaan iyagoo waliba waxyaabo ay xaq u lahaayeen uga dhawrsan jireen ilaalinta sharafta ninka beeshooda ka tirsan ee xukunka haya.
Habdhaqankaa Cigaal wuxuu ahaa mid akhriskii dambe ee taariikhdii uu ka tagay la ogaaday inay sidani u fiicnayd beeshiisa taas oo ay noqotay in Madaxweynihii ka dambeeyey ee Daahir Rayaale markii la dhaariyey kadib xurmo iyo maamuus awgeed jagada banaanaatay ee Madaxweyne ku xigeenka loo siiyo.
Waxa arin yaab’le noqotay reer xukun ka dhacay oo hadana wali qadarin iyo godob la’aan loo hayo.
Dariska inooga soo baxaya arintan ee aynu ka baran karnaa waxa weeyi xukunku wad iyo wakhtiba wuu leeyahay oo waa meerto’eh, laakiin nin kasta oo madaxweyne ahi sawirka iyo taariikhda ma hadhaysa ah ee uu reerkooda mustaqbalka uga tagayaa waxa ay ku xidhan tahay habdhaqankiisa marka uu xukunka gacanta ku hayo oo hadii uu beeshiisa beelaha kale ka soo dhaweysto iskuna xeero dad haybtiisa ah waxay reebtaa godobo reerkiisa umada ka dhex saara iyadoo loo aanaynayo dhakanooyin aanay intooda badani geysan oo haybta ay madaxweynaha la wadaagayeen usoo jiiday uun.
Hadaba xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaad moodaa in deriska noocaas ahi ka dedan yahay oo iyadoo aanay beeshiisu sadd dheeraad ah xukunkiisa ku haysan ayaa hadana sawirka Madaxtooyadiisa ka muuqdaa yahay mid soo dhaweysanaya beeshooda oo xidid iyo xigaalba meeshii la isa soo dhoobay iyadoo aan la dareensanayn dhibta uu tolkii sawirka caynkaas ah ka dhaxlayo markuu xukunka ka dago taas oo u baahan in Madaxweyne Siilaanyo oo aan qabyaaladayste lagu tiirin jirini fahmo oo uu wax ka qabto shakhsiyaadka awood xigtaysiga isticmaalaya ee xukunkiisana ceebaynaya qabiilkiisana dhaxal-xumada uga tagaya.
Waxa iyana haboon in beesha Madaxweynuhu ka faa’iidaysato casharada aynu kor ku xusnay oo aanay is-raacin xukunka uu inankoodu hayo waayo waxqabadkasta oo xukuumadu qabato looma tixgalinayo oo waxa qarinaya sawir qabyaaladeed laga dhex arkay Madaxtooyada.
Hadii kale madaxda dambana waxay u jeexaysaa wado ay ku xalaashadaan ku dhaqanka qaran qabiilka oo inanka madaxweynaha la xidid ahi ka awood bato wasiirka iyo raysal Baarlamaanada.
XIGASHO ;Haatuf Staff Writer