WAJAALE NEWS

Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia: Horumar iyo Hiigsi Rumoobay!

HARGEISA(WAJAALENEWS);Mudadii uu xukunka hayay Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Somalida Ethiopia Mud. Cabdi Maxamud Cumar wuxu deegaanka Somalida ka muujiyay horumar iyo inay noqdaan kuwo aan ka hadhin horumarka guud ee ka socda  deegaanada kale iyo guud ahaan dalka Ethopia.

Deegaanka Somalidu ka hor Madawexyne Cabdi Maxamud Cumar wuxu ahaa deegaan ay ku habsatay Colaado iyo Maamul -xumo curyaamiyey Nabadii, Waxabrashadii, Caafimadkii iyo  kaabayaashi nolosha bulshada dhamaantood.

Colaadaasi iyo amaan xumadaasi  ayaa deegaanka dadka ku dhaqan ka dhigtay kuwo nacay kana quustay nolol iyo horumar lagaadho.

Madaxweynuhu wuxu si fiican oo miisan leh u sameeyay qaab dhismeed maamul oo wanaagsan kaasi oo hanan kara maamulka iyo maaraynta hawlaha baaxadda leh ee deegaanka u yaallay.

Hogaamiye Cabdi Maxamud wuxu daraasad weyn bilwogii ku sameeyay sidii uu xaaladda u waajihi lahaa, Dawlad-degaankiisana ugu dhigi mid degan oo barwaaqo ah., sidaa awgeed, waxay noqotay inuu ogaado halka ay mushkiladdu ka jirto.

 Odhaah caan ah ayaa ahayd:  “Identify your problems but give your power and energy to solutions.” By Tony Robbins

Markaad ogaato dhibta iyo mushkiladda , ku dhaqaaq inaad awoodda ku bixiso xalkii, odhaahdaasi ayaa noqotay tan uu raacay kuna dhaqaaqay Hogaamiyaha DDSI

Madxweynuhu wuxu dedaal  weyn u galay sidii uu damin lahaa collaada dad iyo duunyoba galaafatay ee deegaanka ka dhigtay mid  ku jira mugdi horumar ka dheer yahay, taasi oo ahayd halkii  salka u ahayd dhibtii jirtay.

Xidhiidho iyo Booqashooyin uu la sameeyey dadkii deegaanka ee qurbaha joogay ayaa keentay inay fahmaan in nabad waxaan ahayn aan lagu gaadhi Karin wax kasta oo ay bulshadu higsanayso.

Mudane. Cabdi Maxamud Cumar wuxu si dhakhso ah usoo celiyay kaabayaashii nolosha bulshada oo dhan  sida waxbarashadii, caafimaadkii, Biyihii iyo dhismaha wadooyinka oo deegaanka maanta gaadhay heerkii ugu sareeyay.

Wakhtigan aynu ku jirno deegaanka Somalidu wuxu ka mid yahay deegaanada uu sida dhakhsaha horumarku uga socdo, tani waxay keentay in dadkii deegaanku gudo iyo debedba ku dhiiradaan inay dhulkooda dhistaan isla markaana ay horumar ku sameeyaan.

 

Bal aynu Milicsano  hawlgaladii shaqo ee u dambeeyey  ee Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar  iyo wafti uu hogaaminayaa ku kala bixiyey degaano badan  oo ka mid ah DDSI , iyada oo  xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay ka dhigtay qorshayaasha kuwa ugu muhiimsan dhinaca mashaariicaha biyaha, waxayna yihiin mashaariicahaasi in bulshada laga haqar tiro helida biyaha nadiifta ah,  iyada oo  xukuumadu qorshaysay in biyaha  dhulka hoostooda, cirka  iyo wabiyada intaba looga faa’iideeyo bulshada  si ay fursad ugu helaan wax soo saarka dalaga beeraha.

Sidaa dartee, Madaxwaynaha DDSI  Mudane  Cabdi Maxamud Cumar iyo waftigaas  uu hogaaminayaa waxay todobaadkii hore xadhiga ka jareen Ceelkii ugu Dheeraa ee abid  laga hirgaliyo oo laga qoday Degmada Xarshin ceelkaasi oo hoos loo qoday masaafo dhan 580m dhulka hoostiisa ayaa  shacabka ku dhaqan Degmadaa  Xarshin iyo nawaaxigeedu  oo an waligood helin biyo nadiif ah oo laga soo saaray dhulka hoostiisa ay  ku soo dhaweeyey dareen farxadeed ugana mahadceliyeen Hogaamiyaha dhalinyarada ah ee Calanka u sida Dawlad degaanka Mudane  Madaxwayne Cabdi Maxamuud cumar.

Sidoo kale, Madaxwaynaha DDSI iyo waftu uu hogaaminayo ayaa waxay ku tageen sodaal  shaqo Gobolada Nogob iyo Jarar waxaa una Madaxweynuhu xadhiga ka soo jaray Mashaariico  tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Ceelasha riigaga dhaadheer oo laga qoday meelo oomane ahaa, waxaana ka mid ahaa ceelashaasi ceelka ku yaala  tuulada “ Maro-dhamays”  oo ka tirsan Degmada Garbo ee Gobolka Jarar.

Waxaa kale oo Madaxwaynaha DDSI iyo wafti uu hogaaminayaa u anba bexeen 28 March 2014  Gobolka Siti oo hore loo odhan jiray Gobolka Shiniile, socdaalkaasi oo loogu magac daray “Haraad- reeb” waxayna lugtii kowaad ku tageen Degmada Hadhagaale oo ka tirsan Gobolkaa Siti , iyada oo uu  Madaxwaynuhu halkaasi xadhiga kaga jaray Mashaariico  qorshaysnaa in la hirgaliyo oo iskugu jira Mashaariicha qodida Ceelasha Biyaha iyo Mashaariicaha Waraabka Beeraha ee loogu talagalay in bulshada loo sameeyo dib u tajinta loogana faa’iideeyo.

Sidaa si lamid ah,  waxa uu  Madaxwaynuhu xadhiga ka jaray mashaariico ka socday tuulada Harawo oo ahaa in ka  badan 40 ceel.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa waxa kale oo lugtoodii labaad kutageen  degmada Erar oo ah degmo  hodan ku ah dhinaca wax soo saarka sida  beeraha . Waxaana uu madax waynuhu  goobahaas  xadhiga ka jaray mashaariico muhiim u ah qaybaha Bulshada  oo dhinaca biyaha .

Hadaba, Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar wuxu shabahaa madaxweynayaasha horumarka gaadhsiiayay dalalkood, sida  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo isna noqday kuwo ifiyey geeska, oo dadkiisa u horseeday horumar iyo inuu si weyn kor ugu qaado dhaqaalaha dalka.

Wakhtigan marka la barbar markii uu xilka la wareegay Madaxweyne DDSI waxay noqonaysaa horumarka la gaadhay mid aad iyo aad u kala fog. Wuxuu adeegsaday odhaahda ah :

“Whatever the mind of man can conceive and believe, it can achieve.”

Caqliga dadku wuxu aamino inuu samayn karo, wuu gaadha wuuna fuliyaa, taasi oo ah tan uu maanta Madaxweyne Cabdi Maxamud ku muujiyay si dhab ah;Biyo la’aantii, caafimaad daradii, iyo nabad la’aantii waxa bedelay barwaaqo iyo maamul wanaagsan oo horseeday shaqo abuur, iyo isku kalsooni buuxda.

Napilion:” Caqli ayaa ah kan Jano u roga  Jaxiima, ama Janno  ka dhiga Jaxiima”

Deegaano aan welighood noqon goobo ay nololi ka suurgasho ayaa wakhtigan isu rogay dhul beero ah ka dib markii loo qoday riigag.

Madaxweyne Cabdi Maxamud wuxu noqday madaxadii deegaanka Somalida Ethopia soo martay kan ugu waxqabad badan ee ugu dhiiran, oo leh   hadaf cad oo uu higsanayo.

Dalalka iyo deegaanada Somalida ee Geeskan Afrika sedexda meelood ee maanta hogaamiyahoodu waxqabad muuqda laga dareemayaa ee bulshaduna qiraysaa waa Seddexda Madaxweyene ee Mud. Cabdi Maxamud, Siilaanyo iyo Geelle oo isna dalkiisa Djabuti ka saaray shaqo la’aantii , wakhti kastana dadaal ugu jirasidii uu horumarka joogto uga dhigi lahaa.

 

Gabagabadii;  horumarka balaadhan ee ka hirgalay DDSI  MAANTA,  Cahdigan Madaxweyne Cabdi Maxamud, waa mid  ka yimid   Hogaamiye Karti, Aqoon, Daacadnimo , Muwaadinimo , Dal iyo Dad jacayl ku sifoobay iyo teamka ku xeeran  ee hawsha la daa’dihinaya oo ah Xul aan Xal ahayn.  Waxayna mudan yihiin Hogaamiyha DDSI iyo teamkiisaba in lagu bogaadiyo ;  waxaanan Leeyahay HAMBALYO.

 

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Ihsan_acf@hotmail.com

Hargeisa , Somaliland

Exit mobile version