WAJAALE NEWS

“Ciidanka Ay Sida Guracan U Isticmaalayso Xukuumaddu Ha Joojiso Haddii ;Xoghayaha Guud ee Xusbiga Wadani;. Uurcadde

HARGEISA(Wajaalenews);Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Shir,Jaarid Ku Qabatay Xafiiskooda Ayaa Waxaa Ay Kaga Hadleen Kuna Canbaareeyeen Falkii Lagula Kacay Wargayska Haatuf  Oo Maalintii Shalay  Ay Ciidamada Booliska Somaliland Gabi Ahaanba La Wareegeen .

Waxaana Ay Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Xuseen In Ay Xukuumada Ku Tahay Talaabadaasi Ceeb Iyo Wax Laga Xumaado Dhabar Jabna Ku Ah Xariyatul-Qawlka Iyo Madaxbanaanida Saxafada.

Ugu Horayn Waxa Halkaasi Ka Hadlay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Maxamed C/Laahi Uurcade Waxaana Uu Sheegay In Uu Xukumada Ku Dhaliilayo Sida Ay Ula Dhaqmayso Isla Markaana Ay U Burburinayso Xoriyatulqowlka Isagoo Xukumada U Soo Jeediyey Una Baaqay In Ay Iska Ilaaliso Wixii Waxa U Dhimaya Madax Banaanida Xariyada Hadalka waxanu yidhi “iyadoo ay hore u jirtay laydh la’aan, biyo la’aan, sicir barar iyo cusbitaalkii guud oo u dhaw inuu xidhmo ayey halkii ay xukuumadda Silaanyo xal uga raadin lahayd dhibaatooyinkaas waxay ku dhaqaaqday cagajuglayntii iyo xadhigii saxaafadda madaxabanaan ee ay ku caanbaxday xukuumaddani, waxay shalay xidhay oo ay albaabada isugu laabtay wargeyskii caanka ahaa ee Haatuf oo ay la wareegeen ciidanku, sidoo kale waxa hore loo xidhay wargeyskii kale ee Hubaal oo inta xaruuntiisii lagu weeraray oo layku dayey in la toogto gudoomiyihii wargeyska cidii weerartayna ay dalacaad ku heshay, iyadoo waliba amarka weerarka hubaal uu ka yimi madaxtooyada oo la hubo, waxaanu u aragnaa in la leeyahay maxaad u sheegtay hantida ummadda ee la cunayo”.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde isagoo hadalkiisa sii watta wuxuu yidhi”ciidamadan ay dawladdu u isticmaalayso qaabka awood sheegashada ah waxanu leenahay haka joojiso umadda, waxanu xukuumadda usoo jeedinaynaa inay si degdeg ah usoo dayso wargeyska Hubaal Iyo Haatufba oo ay faraha kala baxdo xoriyadda saxaafadda madaxbanaan, saxaafadduna waxay u jirtaa inay sheegaan wixii jira ee umadda laga qarinayo ee madawga lagu cunayo”,

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey xoghayaha guud “ciidankan ay sida guracan u siticmaalayso xukuumaddu ha joojiso haddii intaas laysla dhaafo wixii soo baxaya waa laysla garanayaa, hadii ninku yidhaahdo anigaa ciidan haysta oo waxaan doono samaynaya wixii soo baxaya waa la garanayaa waxanu jecelnahay inaan halkaas laysla gaadhin”.

Geesta Kale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Wadani Mustafe Maxamuud(Qodax) Waxaana Uu Sheegay In Ay Somaliland Ku Faani Jirtay Nabada, Madax Banaanida Saxaafada Iyo Xoriyatul-Qowlka Balse Taasi Ay Noqotay Mid Lagu Tuntay Waxaana Uu Yidhi:-“Hadii Aynu Nahay Reer Somaliland Waxa Aanu Iibin Jirnay Amaanka  Oo Runtii Tiirarka Uu Ku Taaganyahay Ay Kamid Tahay Cadaaladu  Cadaladuna Yada Laftigeeda Waxaa Laga Dhex Dheehan Jiray Xoriyatul-Qawlka Iy Saxaafadeena Arintaas Wargeeska Haatuf  Lagu Xanibayna Aad Iyo Aad Baanu U Canbaareynaynaa   Waxanan U Sheegaynaa Umada Reer Somaliland Gudo Iyo Dibad Ba  Xukuumadu Waxay Ku Qarinaysaa Ceebaheeda Ayey Runtii Ku Qarinaysaa Cago Juglaynta Iyo Cadaadiskan Ay Saarayso Saxaafada Oo Aan Qarsoomayn Oo Aanu Runtii Aanu Aaminsanahay  In Ay Kala Kulmi Doonto Kacdoon Dad Weyne Iyo In Dadku Si Furan Uga Jawaabo Arintan “

Dhinca Kale Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlaya Laydh La,Aanta Ka Jirta Caasimada Hargaysa Oo Warshadii Laydhku Ay Fadhiisatay Waxaana Uu Ceeb Iyo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay In Dadkii Xukumada Soo Doortay Ay Habeen Oo Dhan Ku Jiraan Mugdi Isagoo Xukumada Ku Taliyey In Ay Ceeb Iyo Wax Laga Xumaado Ay Tahay In Shacabigii Soo Dooratay Ay Hada Habeenkii Mugdi Iyo Madow Ku Noolyahiin  Waxana Uu Xukuumada Ku Taliyey In Arintaas Wax Ka Qabato Waxan U Yidhi”Caasimadii Somaliland Ee Murayadii Dalka Ahayd  Ayaa Laydh  La,Aan Ah ,Biyo La,Aan Ah Maxkamadaheeni Bay Warqado Ka Soo Bixin Oo Computeradii Ka Fadhiyaan  Madaxtooyada Horteedii Iyo Dabadeedii Baa Bilaa Laydh Ah Runtii Qarsoomi Mayaan Ceebahaasi   Wax Kale Oo Lagu Faano Iyo Dig Dig Kale Iyo Waaxaasi Shaqayn Maayaan Ee Xilkii Aad Umada U Hayseen Waad Ku Fashilanteen Ee Umada  Xilkeedii U Soo Celiya Aayaan Idiin Leeyahay “ Ayuu Yidhi Xogahaya Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Wadani Mustafe Qodax.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version