WAJAALE NEWS

Aqoonsiga sheffield Maxaa Loogu Dabaal Dagi Waayey Mise Xukuumada Siilaanyo Ayaan Raali Ka Ahayn; Qalinkii Mahad Cumar

HARGEISA(Wajaalenews);Waxa aan salaamayaa marka hore dhamaan akhristayaasha, salaan ka bacdi. Somaliland waa dal inbadan raadinayey sidii uu mar uun beesha caalamka uga heli lahaa citiraaf caalimiya, waxa arin la soo dhaweeyo mudan aqoonsigan heer deegaan ah ee ay ku dhawaaqeen deegaanka reer Sheffield oo inoo muujiyey in ay beesha caalamka tusaan sida ay uga go’an tahay aqoonsiga Somaliland.

Aqoonsigan Sheffield waa aqoonsi ay ku dayan karaan deegaano kala duwan oo ingiriiska ka mid ah, waa aqoonsi ay sidoo kale ku dayan karaan deegaan kale oo ay ka maqnayd ku riirashada aqoonsi ay siiyaan Jamhuuriyada Somaliland, aqoonsi heer deegaan ah laakiin horseedi karta in ay noqoto dabadaa furan.

Hadaba arintu iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxa jira gaabis fara badan oo ka iminaya dhanka hogaanka aynu dooranay ama xukumada maanta talada haysa, maanta waxa aynu ka gaabinay in aynu u soo baxano oo muujino sida aynu ugu faraxsan nahay aqoonsiga Somaliland ee Sheffield sidii ay muujiyeen qurba joogta reer Somaliland ee ku nool wadanka ingiriiska gaar ahaan magalaada sheffeild,waxa aan leeyahay arintan canaanteeda waxa iska leh xukumada maanta jirtay, xukumada maanta jirtaa ha ogaato in waxa koobaad ee aanu u dooranay tahay ka midho dhalinta hamiga u madani leedahay ee ah in maruun Somaliland hesho aqoonsiga caalamiya.

Waxa xasuusteeda mudan in xiligii xukuumadii Riyaale ay bulshadu muujiyeen isu soo baxyo waaweyn oo ay abaabulkeeda lahayd xukumadii Daahir Rayaale Kaahin, xukumadani maanta waxa ay ku badashay arintaas in hadii Siilaanyo booqdo tuule ama dagmo in caasimada oo dhan la yidhaa kaalayo oo ka horta isaga oo wax alaale waxa soo qabtay aanay jirin.

Waxa iyana xasuusteeda leh in maalintii uu madaxweyne Daahir Riyaale booqashada ku tagay wadanka maraykanka ay shacabku muujiyeen dareen aad u sareeya oo ay bulshada caalamka tusayaan sida ay shacabkan iyo madaxweynahoogaba uga go’nayd in umadani hesho aqoonsi caalami ah, maanta waxa aan leeyahay shacabka ilaashada hamigiina, dawladnimadiina, qarankiina iyo horiyadii dheerayd eed u soo marteen dawladnimada qaaliga ah ee Somaliland.

Waxa maanta iyana layaab leh arinta ama masuulkii u sareeyey wadanka oo ay afkiisa ka soo baxday waxa aan maalinta qarinimada Somaliland ee 18 may u badalayaa maalinta lacag ururinta ceerigaabo, timir lafbaa ku jirta, bidaarina sibiq bay kugu gashaa caryaanu siinaayo sibiq idinku dhaafin xoriyadiinii iyo halgankii dheeraa ee aad u soo marteen calankiinan daqaaliga ah.

waxa aan ku soo gabagabaynayaa in ay maanta noo cadaatay in aan hogaanka xukumadani marnaba raali ka ahayn aqoonsi ay hesho Somaliland arintaana waxa marag u ah sida maanta beenta loogu mashquuliyey umadda ee meesha looga saarayo arimihii muhiimka ahaa sida ictiraaf raadinta si hoosana ay doonayaan in fedraal somaamliya la qaatan, soomaalidu waxa ay tidhaa nimaan waxa taagan garani waxa soo socda ma garto.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version