WAJAALE NEWS

Wasiirka Dibu Dajinta Somaliland Oo Ka Hadlay Dad U Dhashay Wadanka Somaliland Oo Lasoo Celinayo

HARGEISA (WAJAALENEWS);Wasiirka Dibu Dajinta Somaliland Oo Ka Hadlay Dad U Dhashay Wadanka Somaliland Oo Lasoo Celinayo.

Hargaysa(WJN)Wasiirka wasaarada dibu dajinta somaliland Axmed Cabdi Kaahin  Casood oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa waxa uu sheegay in muwaadiniita reer somaliland ee ku dhaqan wadanka ingiriiska lagu soo celin doona dalka somaliland.

Waxa uu intaas raaciyey wasiirku in dadkaas lasoo celinayo aan lagu qasbi doonin balse cidii ogol lagu soo celin doon Dalka.

wasiirka ayaa waxa uu sheegay dadkaas lasoo celinayo ay yihiin qaar aan haysan dhalashadii wadanka ingiriiska mudo badana ku noolaa wadankaasi

waxaana uu intaas raaciyey in ay dadkaas ay dalbadeen in lagu soo celiyo dalka somaliland.

Wasiirka wasaarada dibu dajinta somaliland Axmed Cabdi Kaahin Casood oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“Hortu waxa lasoo celinayaa oo aan utagaynaa majiro,anagu casuumada ayaanu ka helnay wadanka igiriiska casuumadaasna waxa lagaga wada hadlayaa dadka iskood usoo noqonaya ee ka kaaftoomay dalka ingiriiska waxaanu usamaynaynaa dadkaas inuu dalka igiriisku waxa tar oo aanu magaalada kusoo daynin ee uu usameeyo shaqooyin.

Wasiirka dibu dajinta somaliland axmed cabdi kaahin casood oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”anagu cidna masoo celinayno siyaasada dawladuna sidaas maaha,ee dadka lasoo celinayo waxa weeyaan dadka dalka ingiriiska joogay sannado badan oo waayey basaboorkii dalkaas haday walib ogal yihiin weeyaan.

Waxa uu wasiirka wasaarada dibu dajinta somaliland beeniyey in dadkaas lasoo celinayo ay danbiyo ka galeen wadanka ingiriiska.

“dadkaas iyaga ayaa nala soo hadla waxaana ay yidhahaan nagu soo celiya dalkayaga ee anagu cidna ma-qasbayno dalka ingiriiskana hadii ilaahay yidhaaho waxaanu u waydiinayna waxa ay ku shaqaystaan dadkaas inuu soo siiyo lakiin anagu waxaanu soo saxeexaynaa iyo dad aanu xoog kusoo celinaynaa majiraan  dhaqanka xukuumadana kuma jirto

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com.

 

Exit mobile version