QAAHIRA(WAJAALENEWS);Maxkamad ku taalla Masar ayaa dil ku xukuntay 529 ruux oo taageersan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamad Mursi.
Dadkan ayaa la sheegayaa inay ka tirsan yihin ururka dalka Masar laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka.
Wararka kale ee la xiriira
Waxaa loo soo jeediyay eedeymo ay ku jiraan inay wax dileen.
Mas’uuliyinta Masar ayaa olole ku qaaday ururka Ikhwaanul Muslimiinka tan iyo markii militerigu uu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi.
Boqolaal la dilay
Kumanaan kun oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la xiray iyadoo boqolaal kalena la dilay.
Maxkamaddan oo ku taalla degaanka Munya ayaa go’aanka gaartay kaddib laba fadhi oo dacwadda lagu dhagaystay.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay sheegeen in aysan helin waqti ay dacwadda kaga doodaan.
Weerarrada dadkan lagu haysta ayaa la sheegayaa inay dhaceen kaddib markii ay dowladda xoog ku kala dirtay dibedbaxyadii lagu taageersanaa Mursi bishii August ee 2013-ka.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM