WAJAALE NEWS

Maxaa Dib U Dhigay Markii Labaad Shirweynihii Xisbiga Kulmiye, Muxuuse Muuse Biixi Ka Yidhi

HARGEISA(WAJAALENEWS);“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto,

Hargeysa (WJN) – Gudida qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa weli isku mari la’ tirada ergooyinka ka soo qayb galaya shir-weynaha Xisbigaasi oo markii labaad dib u dhacay.

Guddidan oo xarunta xisbiga ee Magaaladda Hargeysa shir uga socdo ayaan isla meel dhigin ilaa iminka tirada rasmiga ah ee shirkaasi ka soo qayb geli doonta.

In kasta oo todobaadyadii la soo dhaafay ay warbaahinta qaarkeed baahiyeen in la isku af gartay tirada ergooyinka ayaa hadana waxa weli is hor fadhiya guddia qaban qaabada, kuwaas oo xal u la’ cabashooyin ka soo yeedhay beelaha qaarkood.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse  Biixi Cabdi oo u waramayay Telefishanka Horn Cable ayaa sheegay in aanu jirin wax dib u dhac oo ah ku yimid shirweynihii xisbiga Kulmiye isla markaana la qaban doono maalmaha soo socda.

“Wax dib u dhac la yidhaa  ma jiro, waxa  gabo-gabo ku dhow ergooyinkii Haddii ALLE yidhaahdo  maalmaha soo socda ay soo dhamaadaan, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ahi maalmo dib u dhacaan waana shir weyne gobolada dalka iyo dibadaba laga imanaayo aadna waan uga xumahay dib u dhacyadaa hore ee shirka xisbiga Kulmiye imikase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxa uu xusay in xisbiga Kulmiye aanu marnaba diyaar u ahayn in ay dib u dhacdo doorashooyinka Madaxtnimadu, kalsooni buuxdana ay ku qabaan in mar kale shacabka reer Somaliland ay dooran doonaan cidii ay soo sharaxaan xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi

“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto, marka aan sidaa ku leeyahayna maaha macnaheedu annaga xukuumad baanu nahay oo dadkaanu jidh jiidhaynaa  ee waxaa weeye annagu waxaanu nahay xisbi weyn oo jiray  12 sano,  shacbigana kalsooni weyn ayaanu ku qabnaa,  shacbigayaga kii shalay na doortay iyo kuwa ku soo biirayba waxaanu qabnaa in aanu qancin doono, waxaanu nahay dad doorashada yaqaana wax dhulka naga yaalaana ma jiraan diyaar baanu u nahay doorashada.”

“Wax dib u dhac la yidhaa  ma jiro, waxa  gabo-gabo ku dhow ergooyinkii Haddii ALLE yidhaahdo  maalmaha soo socda ay soo dhamaadaan, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ahi maalmo dib u dhacaan waana shir weyne gobolada dalka iyo dibadaba laga imanaayo aadna waan uga xumahay dib u dhacyadaa hore ee shirka xisbiga Kulmiye imikase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga.”

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version