WAJAALE NEWS

MAAMULKA PUNTHLAND OO ISU DIYAARINAYSA DAGAAL AY KULA WAREEGAYSO DEEGAAMADA BARIGA SANAAG IYO JAWAABTA SOMALILAND

HARGEISA(WAJAALENEWS);Waxa aan kaga jawaabi lahaa madaxweyne siilaanyo waa uu booqday deegaankaasi waana dhulka Somaliland, ciidamo tababar dhamaystay ayaana ku laabtay deegaankaasi wax colaad ahina kama jirto.

Garoowe (WJN) – Maamulka Puntland ayaa sas xoog leh ka Qaaday Socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu dhawaan ku tagay Magaaladda Laasqoray.

Socdaalkan ayay ku sheegeen in uu ahaa mid ka dhan  ah dhinaca Puntland, kaas oo ay u aanaynaynayaan in uu ku booqday dhul ay Puntland leedahay.

Wasiirka Warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in ay difaaci doonaan deegaamada Puntland.

Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ayaa iyaduna jawaab ka bixisay hanjabaad ka soo yeedhay, marka hore waa kan Wasiirka Warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Somaliland oo haysatay muddoba dhul ka tirsan Puntland oo aanu isku dayaynay in aanu wada hadal iyo sulux lagu dhameeyo, ay hadana duleedka Degmada Badhan ay ku soo daad gureeyeen ciidamo tiro badan tuulada la yidhaahdo carmala.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland oo waxa uu ku hanjabay dagaal, sidaas daraadeed waxa aanu u aragnaa in Somaliland ay duulimaad ku soo qaaday, waxaana puntland ka go’an in aanu difaacno dhulka Puntland iyada oo uu socdaal hore ugu tagay dhulkaasi Madaxweynaha Somaliland.

Hada waxa aanu ku qasbanahay sidii loo soo celin lahaa dhulka Puntland, ninka laasqoray iyo Badhan u soo hanjabayaa waxa uu u soo socdaa in uu qabsado Boosaaso iyo Garoowe.” ayuu yidhi

Geesta Kale Cali Jaamac Buureed oo isna jawaab ka bixiyay hadalka Puntland ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland aanay Wadin wax dhibaato ah.

Sidoo kale waxa uu Puntland ugu baaqay in aanay ku degdegin dagaal, waxaanu xusay in dadka deegaamada bariga Sanaag ay u muuqdaan kuwo ka hadhay bulshada inteeda kale una baahan yihiin in wax loo qabto

Waxa aan kaga jawaabi lahaa madaxweyne siilaanyo waa uu booqday deegaankaasi waana dhulka Somaliland, ciidamo tababar dhamaystay ayaana ku laabtay deegaankaasi wax colaad ahina kama jirto.

Ciidankaasi hada la sheegayaana waa mid hore u sii joogay oo meesha deganaa, anagu mar walba nabad iyo degenaansho ayaanu diyaar u nahay, wax dagaal ahi in uu halkaasi ka dhacana ma jecli deegaankaasina in wax loo qabto ayuu u baahan yahay” ayuu yidhi Cali Jaamac Buureed.

Masuuliyad dhibaato ah ma qaadayno, mana jirto mid ay Somaliland ku talo jirto, marka aad nagu aragto dhibaato aanu wadno waad na waydiin kartaa, markaa dagaal aanu abaabulaynaa ma jirto” ayuu yidhi

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version