WAJAALE NEWS

Maamule ku Xigenka Madarka Diyaradaha Burco C/Risaq Nuur Caraale Oo Qurba-Jooga,Ganacsatada iyo Bulshada Gobalka Togdheer Ugu Baaqay inay ka Qayb-Qaatan Dhismaha Madarkaasi.

c abdisalaanBurco (Wajaale News) iyada Oo Uu Mudooyinkii u Danbeyayba Uu Socday Dibu Dhis Baladhan Oo Lagu Samaynayo Madarka Diyaradaha Ee Magalada Burco ayaa Maamule ku Xigenka Madarkaasi Burco C/Risaaq Nuur Caraale ayaa Waraysi Uu Hadhwanaagnews Waxa Uu Wasiirka Duulista iyo Hawadda S/land Maxamud  Xashi cabdi Uu ku Hanbalyeeyay Dibu Dhiska Uu ku Wado Madarada Dalka Oo Dhan.

Maamule ku Xigenka Madarka Diyaradaha Burco C/Risaaq Nuur Caraale ayaa Ugu Horaynba Qurba-Jooga,Ganacsatada iyo Bulshada Gobalka Togdheer Ugu Baaqay inay ka Qayb-Qaatan Dhismaha Madarka Diyaradaha Oo Uu Shegay inuu Wakhtigani Marayo Meel Aad u Fiican.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Marka Hore Waxaan usoo Jeedin Lahaa Qurba-Jooga Reer S/land,Ganacsatada iyo Bulsho Waynta

Reer Burcaba inay ka Qayb-Qaatan Dhismaha Gadida Diyaradaha Burco Oo Runtii Maanta Maraya Meel u Fiican,Waxa la soo Gaba-Gabeyay Wareegii Hore Ee Madarka,Waxaananu Bilownay Waregii Labaad Oo Hada si Toosa u Socda,Dhismaha Madarka Waxaanu u Qaybinay Afar Qaybood,ilaahay Mahadii Maanta Dhismaha Madarku Wuxu Marayaa Meel Aad u Fiican Oo ku Dayasho Mudan,Waxaan Shacbiga Reer Somaliland ku Boorinayaa inay ka Qayb-Qaatan Dhismaha Madarka”

Maamule ku Xigenka Madarka ayaa Sidoo Kale Wasiirka Duulista iyo Hawada ku Amanay Dibu Dhiska Madarada Dalka Oo Uu ku Tilmaamay Wasiir Hormuud u Noqon Kara Sidii ay Shacabku u Dhisan Lahayeen Dalkooda Hooyo.

Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii ” Runtii Waxaan Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamud Xaashi ku Amanayaa Dibu dhiska Baladhan Ee Uu ku Sameyay Madarada Dalka Oo Dhan,Maanta Madarada Dalku intii Xilka Wasiiradasi Loo Magacay Wasiir Maxamud Xashi Waxay la Tartamayaan Madarada Wadamada aynu Jaarka Nahay,Waxaanan Wasiirka ku Boorinayaa inuu Halkasi ka sii Wado Dedaalka Uu Ugu Jiro inay Madarada Dalku Noqdaan Kuwo la Tartama Kuwa Caalamka” Ayuu Yidhi Maamule ku Xigenka Madarka Diyaradaha Burco C/Risaaq Nuur Caraale

Ugu Danbayntii Maamule ku Xigenka Madarka Diyaradaha Ee Magalada Burco Mudane; C/Risaaq Nuur Caraale ayaa isagu ka Mid ah Shakhsiyadka Had iyo Jeer ku Howlan Sidii Uu Madarku u Noqon-Lahaa Mid Caalamiya.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version