WAJAALE NEWS

Is-Maandhaaf Ka Dhex Taagan Wasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe Oo Hakiyay Wadda-Shaqeyntii Labada Waaxood

Ganacsatada Waaweyn Ee Lacagaha Ku Keydsata Baanka Dawladda Oo Lacagtoodii Kaash Ku Waayay

 

Hargeysa, (Wajaalenews) – Is maandhaaf xoogan ayaa ka dhex taagan Wasaaradda maaliyadda Somaliland iyo Baanka Dhexe ee dawladda, kaas oo keenay in Wasaaradda Maaliyaddu ay halkeedda ku haysato lacagihii dakhliga maalinlaha ahaa ee ay ku qabatay Kastamadda iyo ilaha kale ee dakhli qabashada labadii maalmood ee u dambeeyay.

Khilaafka Baanka iyo Wasaaradda

Khilaafkan oo labaddii maalmood ee ugu danbeeyayba soo shaacbaxay ayaan Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo Baanka Dhexe midkoodna ka hadal illaa hada sababta dhalisay in lagu xarayn waayo lacagihii ka soo baxayey cashuuraha lagu qabto Kastamada Dalka baananka dalka, hase yeeshee sida muuqata wax ka dhex taagan khilaaf dhinaca Maamulka ah.

Baanka Dhexe oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrimahan ayaanay suurta-gelin in aanu hello masuuliyiintiisa, sidoo kale Wasaaradda Maaliyaddu faahfaahin kama bixin arrintan. Balse, waxaa jira is marri waa halistii ugu weynayd ku keeni karra qaranka oo ka dhashay sida la cadeeyay xisaabaad dhexdoodda ah. Tibaaxo wargeyska Saxafi ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Maamulka Baanka Dhexe ee dawladdu warqad qoraal ah u diray Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, taas oo uu kaga dalbaday inay ka hakiyaan kharashaadka ay u soo gudbinayaan Baanka Dhexe, isagoo taas oo ku sababeeyay lacag yaraan baanka haysata. Hase yeeshee sida tibaaxahani sheegeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa qoraalkaas ka jawaab-celiyay isagoo qoraal uu u diray ugu sheegay maamulka Baanka Dhexe in kharashaadka ay u soo gudbinayaan ay yihiin kuwo ku jira ku talo-galka Miisaaniyadda qaranka ee 2014, sidaas darteed aanay hakin karin, maadaama ku talo-galkii dakhli ee ay Maaliyaddu ku xareysay Baanka Dhexe saddex biloodkan ugu horeeya sannadkan aanay waxba iska dhimin sidii ku talo-galku ahaa in dheeraad soo baxay mooyaane.

Sidoo kale tibaaxahan ayaa sheegay in taasi ay keentay kala shaki ka dhex dhashay labada hay’adood, taasina ay keentay in afar maalmood ka hor ay Wasaaradda Maaliyaddu ku wargelisay ganacsatada badeecadaha ka cashuuranaya kastamada dalka inay lacag naqdi ah soo qaataan oo ay badeecadahooda ku cashuurtaan, kadibna muddo laba maalmood ah ay Wasaaradda Maaliyaddu cashuurta kastamada ku qabatay kaash, kadibna dakhligii kaashka ahaa ku xareysay Baanka Dhexe. Taasina ay keentay in Baanka Dhexe ku wargeliyo ganacsatadii lacaguhu u yaaleen ee kaashka ka dalbaday in lacagtooda lagu siiyo si ay u soo cashuurtaan inaanu baanku hayn lacag kaash ah.

Waxa kale oo ay tibaaxahani sheegayaan in tallaabooyinkaas isku xigay ay keeneen inuu meesha ka baxo is-aaminkii u dhexeeyay labada hay’addood ee dawladda oo ah Baanka Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda, sidaas darteed ay labadii maalmood ee u dambeeyay Wasaaradda Maaliyaddu joojisay inay Baanka Dhexe ku xareyso dakhligii cashuurta ka soo xerooday. Halka dhinaca kalena uu Baanka dhexe ku wargeliyay Ganacsatada Waaweyn ee badeecadaha ka cashuurata kastamada dalka inaanu hayn lacag kaash ah, taas oo keentay muran dhexmara ganacsatada lacagaha ku keydsada Baanka Dawladda iyo maamulka Baanka.

Dhinaca kale waxay tibaaxaha qaar muujiyeen inuu khilaafkani ka bilaabmay sicir-bararka sarifka lacagaha qalaad, gaar ahaan, doolarka, halka wararka qaarkoodna sheegeen in la isku fahmi waayay macaamilkii caadiga ahaa. Tibaaxahan oo wejiyo badan loo yeelay, islamarkaana ay adkaatay in la kala cadeeyo maadaama masuuliyiinta ay khusaysaa aanay ka hadal, ayaa qaarkood sidoo kale, waxaa ay muujiyeen in sartu ka qudhuntay shaki maaliyadu ka qaaday culays kaga yimi dhinaca baanka. Halka, warar kalena muujiyeen in Baanku u arkay inay faragelin ku hayso Wasaaradu hawlihiisii. Sidoo kale, waxaa jira xogo muujiyay in arrintani ay saameysay Ganacsataddii lacaguhu u yaaleen Baanka dhexe ee Somaliland, kuwaasoo la wariyay in Baanku u diiday lacagtii u taalay, si ay ugu cashuurtaan alaabo dekeda uga soo dagay, kadib markii wasaaradda Maaliyaddu Ganacsatada shardi kaga dhigtay in ay lacag kaash ah Kastamada ku soo shubaan. Iyaddoo joojisay jeegagii Baanka ee ay hore wax ugu cashuuran jireen.

Ka sokow labadan laamood ee dawliga ah oo u muuqda khilaaf maamul oo qoloba qolada kale ku eedaynayso in ay u dhaqmayaan nidaam ka baxsan wada-shaqaynyii labada Hay’adood. Madaxtooyadda ayaan iyana ka hadal amuurtan. Waxaana laga war sugayaa illaa maanta qaabka loo xalilo amuurtan.

Ta kale, waxaa iyaduna isweydiin leh maxaa keenay in Baanka Dhexe oo dhowaan uun soo daabacday noodhadh cusub oo lacagta shillinka Somaliland ah uu dadkii lacaguhu u yaaleen ku wargeliyo inaanu hayn lacag kaash ah. Sidoo kale, waxa isweydiintu tahay mee keydkii qaranka oo tibaaxaha qaarkood sheegayaan in keydka qaranka u yaalaa uu kor u dhaafayo laba boqol oo bilyan, keydkaas oo sida wararku sheegayaan ay ka mid tahay dakhli dheeraad ku ahaa ku talo-galkii Miisaaniyadii 2013, iyo lacag siddeetan bilyan ah oo la sheegay inuu yahay keyd Baanka dhexe loogu talo-galay inuu u haysto. Waxase layaab ah in Baanka dhexe yidhaahdo lacag kaash ah ma hayo, oo lacagtii kaashka ahayd ee uu hayay waxay noqotay oo keliya dakhligii labadii maalmood ee ina soo dhaafay ay Wasaaradda Maaliyaddu ku hayso xarumaheeda dakhli-qabashada.?

Exit mobile version