WAJAALE NEWS

HUBAAL: “Anigoon Haween Talo Ka Deyin Dirasho Mooyaane, Allahayoow Doc Naageed Miyaad Igu Dembaysiisay, Doqon Dheregtay May Daalisoo Maygu Damalaysay”- Abwaan Ibraahim-gadhle

Hargeysa ( Wajaalenews)- Akhyaarta Milgaha iyo maamuuska mudan ee ku xidhan degelkan (Hubaal Media), waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Meeris ku suntan  wacyiga haatan jira iyo dhalan-gediga ku yimi mas’uuliyadda uu Alle (SW)  u qeyday nolosha addoomihiisa iyo jidka saxa ah ee loo Jeexay nidaamka  ay Ilma-nebi Aadam ku maamulayaan dunidan.

Meeriskan oo ka mid ahaa ruwaayaddii Caan baxday ee Ragoow Aarsi Haween U Adkaysta markiine, ee uu curiyey Abwaankii qayuurka ahaa Alla ha u naxariistee Ibraahim Sheekh Saleebaan Oo [Ibraahim-gadhle] loo yaqaanay.

Talada iyo Maamulka hoggaamineed ee dunidan alle waxa uu si daah-furnaan ah inoogu tilmaamay in Masuuliyada la kala leeyahay, qof kastaana xad uu ku leeyahay xilka dunida ka saran [marka ay tahay labka iyo dhediga], sidaas oo ay tahay, Inan-rag waxa loo suntay Mas’uuliyadda guud ee bulshadiisa, laga soo bilaabo naftiisa, qoyskiisa, bulshadiisa iyo guud ahaanba inta ku xeeran ee xilku ka saran yahay.

Haddaba Ruwaayadda uu meeriskani ku jiray waxa ay gudbinaysay farriin ka turjumaysa sida qaldan ee raggu u fahmay masuuliyada ka saran bulshadiisa iyo qoyskiisa, oo u muuqday mid tacadi badan iyo god-daloolooyin ku astaysan, taasina ay markiid embe sababtay isbedel maamul oo lid ku ah kaas hore, dumarkiina ay halgan dheer oo ay u galeen iska dhicinta xad-gudubyada kaga imanaya hoggaankoodii ay ku hanteen xorriyad iyo isku filnaansho, taas ka dib waxa meesha soo gashay in bilis xaawalay  ay ku tashadeen ka aarsadaan inan-rag.

Ujeedooyinkaas aynu ka warranay iyo cuqubooyin ay dambarkooda markii dembe raggu dhameen ayuu Meeriskani ku suntan yahay, waxaana inoo tirinaya Isla Abwaanka ruwaayadda Curiyey Ibraahim-gadhle ee dhugo oo dhuux:

“Dayax Dhacay Daleed Qaawanoo Dugul Madoobaatay

Gudcur Dama, Habeen Daaha Rogay, Daallaliyo Foore

Cirkoo Daruurtii Huwaday Fadadna Doonyaystay

Heegada daroortiyo Xareed Dooxa soconaysa

Dhankaan Dayaba daadkiyo biyaha dulun-dulcaynaaya

Anigoo Dabayl iyo qayood wada dadoonaaya

Allahayoow Geel dib-jiray Maxaan Keligay Doon-doonay

Maxaa dawri Aar iyo Libaax igu dinnaayeeyey

Dacaw igu dhawaaqiyo Shabeel daafta iga raacay

Dib u eegmadoodii maxaan dogob Galool Jiidhay

Maxaa lugaha diirkooda sare deebtu iga leeftay!!!!

*******

Diihaalka gaajada anoo diifta la ledi waayay

Dermadaan ku jiifsaday anoo duudka kala booday

Deeq lagama quustee maxaa dirirku ii hooray

Maxaan doobigaygii ku shubay dogob karuurkeeda

Dambarkii markaan dhamay maxaan kibir la daanshooday!!!!

 

Allahayoow dirxiiliyo maxaan belo ka soo doogay

Dunidaada Eeboow maxaan nabad ku soo daaqay

Allahayoow da’daan jiray maxaan daawasho u joogay

Arrinkii duraayiyo maxaa sheeko igu duuban!!!!

 

Anigoo dorraad soo ahaa beel nin daadihiya

Dabo malaha belaayee anoo daanka qabanayaayey

Deeqda iyo markay taagan tahay doodda iyo bane

Iyadoo rag ii daba socdoo iga dembeynaayay

Diyo iyo anoo qaar badnaa dayn u kala qaaday

Anigoo dadweynaha dhaqoo nabad u daaweeya

Derajada rag leeyahay anoo daafta sare gaadhay

Anigoon haween talo ka deyin dirasho mooyaane

Allahayoow doc naageed miyaad igu dembaysiisay

Doqon dheregtay may daalisoo maygu damalaysay

Gabalkii markuu dumay ilaa dalalacdii waaga

Anigoo derbiga yuururoo dibada meeraaya

Miyuu sheekhii ii daakiroo diigii igu heesay!!!

 

Anigoon Waqtiga diidanayn doorba waxa jooga

Anigoon damaaciyin nin kale dahabka uu haysto

Siduu done-yeelloow adaan talada kuu daayay!!!!

 

xigasho hubaal media

Exit mobile version