WAJAALE NEWS

Haddii Xeer La Soo Qaado Saxaafaddu Way Cadhootaa Oo Cirka Iyo Dhulka Ayay Martaa….Saxaafadda Waa In Qallinkeeda….” Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan oo furitaankii shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in saxaafadda Somaliland haysato madax-bannaani buuxda, kana qayb-qaadato Horumarka iyo Wacyi-gelinta bulshadda.

Hargaysa(Wajaalenews):-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan oo furitaankii shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in saxaafadda Somaliland haysato madax-bannaani buuxda, kana qayb-qaadato Horumarka iyo Wacyi-gelinta bulshadda.
Waxa Xildhibaanku tilmaamay in saxaafaddu u baahan tahay xeer tayo leh oo ka ilaaliya in wax tacadi ah lagula kaco Warbaahinta, isla markaana saxaafadda ka horjoogsada inay gef iyo meel-ka-dhac u gaysato qaranka iyo dadka wararka laga qoro, waxaannu xusay in aanay saxaafaddu wax sas ah ka qaadin Xeerarka, maadaama aan la samayn karin xeer iyo sharci lagu cabudhinayo, lagagana qaadayo Madaxbannaanida iyo Xoriyadeeda.
“Haddii xeer la soo hadal qaado waxa dhacda in saxaafaddu ka cadhooto oo ay cirka iyo

dhulka marto, laakiin waxa laga yaabaa in xeerkaasi dan u yahay saxaafadda lafteeda, mana aha in Xeer laga baqo, waayo waxa ku jirta danta saxaafadda iyo danta qaranka. Saxaafaddu way madaxbannaantahay, haddii Xeerkaas la isku dayo in la diyaariyo wuxuu noqon doonaa mid laga wada-tashado,” ayuu yidhi Md. Xasan Cawaale Caynaan.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan waxa uu sheegay in Saxaafadda Somaliland ay horumar badan ku talaabsatay, isla markaana ay dhibaatooyin fara badan ayey ka soo gudubtay, waxaanu yidhi “Saxaafadda xorta ahi waxay bilaabatay 1991-kii, waxaanay ka qayb-qaadatay halgankii, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka Jamhuuriyada Somaliland, markaa Saxaafaddu kaalin wayn iyo door muhiim ah ayey soo qaadatay, balse waxa loo baahan yahay in halkaas laga sii wado oo Cilmiga Saxaafadda sarre loo sii qaado si aad u noqotaan Saxaafad Qalinkeeda wax laga barto.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan
Cawaale Caynaan.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL,wajalenews@gmail.com

Exit mobile version