Berbera(WJN)Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo katirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo Jeeda Gobolka Salal gaar ahaana Madiga ku ah Marka Beesha Ciise layidhaa Baarlamaaka Somaliland ayaa markii u horeysay kadaba tagey Safarkii Madexweynaha Somaliland uu kusoo Marey dhawaan Xeebta Galbeed ee Somaliland, isagoo si cad u qeexay in aanu Madexweyne Siilaanyo Weyneynin Socdaalkiisii Magaalada Qadiimiga ah ee Saylac, gaar ahaana Dekedadeeda.
Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, waxa uu Madexweynaha kaga Gows qabsadey in aanu Nuxur badani ka Muuqanin Booqashada Madexweynaha ee Degmada Saylac islamarkaana, uu ahmiyad gaar ah Siiyay meelo kale
sida laga dhadhansanayo Hadalka Xildhibaanka, Waxaanu Sigaar ah farta ugu Fiiqey in Dekeda Magaalada Saylac ay kamid tahey Dekedaha Somaliland ugu Magaca Weyn ee ugu Qadiimisan Islamarkaana, soo raacda Dekeda Berbera, taas oo Madexweynuhuka tix galiyay Dekedo ka yar oo aan la Meeqaam aheyn, inkastoo aanu Carabka Toos ugu dhufan.
Xildhibaan Cali Aareeye oo kahadlayay Munaasibad Xadhiga lagaga jarey Xafiiska Baarlamaanka ee Magaalada Berbera Islamarkaana, Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Dr Cali Yuusuf uu Shahaado aan la garaneyn ku Gudoonsiinayay Xaflada Kadib Maareeyaha Dekeda Berbera ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisii.
“Marka Somaliland layidhaa Dekedo qadiimo ah oo Magac Weyn leh oo lagaranayo oo layaqaan oo Taariikhiya waxa jira Dekedaha Berbera iyo Saylac, Laakiin Madexweynuhu Dekeda Saylac Wuu ilaawaye, waxaan Leeyahey Mar kale ayuu Usoo Noqon Doonaa Hadii alle yidhaa odeyga Wayna Shahaado Weyn ayaa La Gudoonsiinayaa” Ayuu Yidhi Xildhibaan Cali Aareeye.
Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, ayaa kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee had iyo jeer ka hadla Badheedhahooda, isagoo inta badana sigaar ah uga hadla Qadiyada Degmada Saylac oo uu had iyo jeer ku dhaliilo in Reer Awdal, ay gacan Togaaleynayaan.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM