WAJAALE NEWS

Daawo: 4 Carruur Ah Oo Hooyadood Gaadhi Ku Qaaday Ka Dibna Badwayn Badhtanka U Dhigtay Oo La Badbaadinayo.

Washington, (Wajaale News):- Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa xeebta ayaa dedaal ay ka galeen, ka dib ku guulaystay inay badbaadiyaan, afar carruur ah oo hooyadood bada ku riday, ka dib markii ay si biimo ah gaadhigii ay saarnaayeen oo ay waday ugu tuurtay badwaynta.

Haweenaydan oo markii danbe la qabtay Ayaan iyadu muujin wax calaamado cadho iyo dagaal ka muuqdo, hasa yeeshe mid ka mid ah carruurteeda ayaa isaga oo qaylinaya inta uu daaqada madaxa kala soo baxay, ku qayliyay, noo gurmada xalaad adag baanu ku jinaa oo Hooyadayo ayaa nagu wado dhimasho.

Carruurtan oo mid ka mid ah da’diisu ahayd 22-bilood ayaa loo qaaday xarun carruurta lagu daryeelo, halka hooyadoodna laga geeyay cusbitaal lagu baadho si looga hubiyo inay Maskaxda ka xanuunsanaysay iyo in kale, ilaa walina lama cadayn sababta kaliftay

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version