WAJAALE NEWS

Bisaarada Dalka Ka Jirta iyo Basaskii oo Iska Reebay Wiilashii u Shaqaynaayey (kirishboygii)qalinkii Maxamed Cali SH,Cumar

HARGEISA(WAJAALENEWS);Waa markii ugu horeysay abid Somaliland ee ay dhacdo sidan oo kale ama bisaarad intan leeg ama shaqo la’aan intan leeg waxa aynu wada naqaanay ama aynu arki jirnay basaska oo wata wiil u shaqeeya oo la socda baska taas oo uu dirawalku ku qabay dan badan halka uu wiilka yarina ka shaqaysan jirey isagoo markaa lacagta uu qaato ku masruufa xaafadooda iyadoo inta badan basaska wiilasha ka shaqeeyaa ay yihiin kuwa iskuulkii wadi kari waayey sababo awgeed  isagoo ay u saamixi wayday in uu iskuulkiisa sii wato iyadoo laga yaabo in ay xaafadoodii ay noqoto bilaa masariif .

 Qasab ku noqoto in uu xaafada u shaqo tago isagoo isla markaana eegaya meel uu waxa ka faa’iido oo uu lacag iyo wax barasho ka wada helo isagoo markuu mudo la socda noqoda diraw ama makaanig sidaasna kaga mid noqda bulshadii uu ku dhex noolaa isagoo noqday nin xirfad uu ku shaqaysto leh. Tan iyo markii ay qabsadeen xukumada maanta joogtaa oo laga joogo mudo ku dhawaad 4 sano ayaa waxaa dalkii ka dhacay waxaan hore uga dhicin kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan baahsan, bisaarad dalka oo dhan ku habsatay iyo xukumada oo aan lahayn doorkii siyaasadeed ee dhalinyaradda lagu hagi lahaa ee loogu samayn lahaa mustaqbal cad oo ay hiigsadaan iyo dhiiro galintii ay ku lahaayeen xukumada ayaa iska daa waxa ay u qabatee kuwii shaqaysan jiray ay shaqo beelaan oo bisaaradu sababtay in shaqaalihii qof kastaaba uu iska dhimo ama la iska eryo oo la iska daayo shaqaale la qabsado dhalinyaradii markii ay waayeen wax ay ka shaqaystaan ayaa waxaa dhacday.

 maanta in ay dadka habeenkii ku baadhaan oo ay mobile-da ay kaga qaataan halka ay qaarna nafta kaga jaraan oo ku dilaan oo ay noqdaan budhca. Halka kuwa ka xishooda in ay wax dhacaana ay tahriibeen iyadoo laga yaabo in ayna reerkoodu  waxba haysan taasoo marka danbe ee uu qabto magafena ay waayaan lacag ay ka daba diraan halkaasna uu lagu dilo oo kalyaha iyo beerka lagala baxo hadii uu halkaa dhaafna laga yaabo in ay badu liqdo oo ubaxii dalkan uu ku dhamaado badaha oo ay halkaas ku naf waayaan.

 

Mohamed Ali Sheikh.

 Inacali-98@live.com

Exit mobile version