WAJAALE NEWS

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Oo Gaadhay Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Gabiley.

GABILEY (WAJAALENEWS);Wafti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Eng: Cabdilaahi Ismaaciil Faarax , Oo Ka Kooban Masuuliyiinta Hayadda Adra Iyo Saraakiil Ka Mid Ah Wasaarada Beeraha Ayaa Manta Socdaal Wac-yigalin Ah Ugu Baxay Gobolka Gabiley.

Waftiga Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Ujeedada Socdaalkoodu Waxay La Xidhiidhay U Diyaar garowga Xili Roobaadka , Isla Markaana Waxay Shan Tuulo Oo Ka Tirsan Gobolkaasi Gabiley Ay Gaadhsiiyeen Qalabka Beeraha Ee Gacanta Lagaga Shaqeeyo, Siidh. ,Moosas Loo Xidhayo Iyo Saacado Qodaal Ah Oo Lacag La’aan Ah . Tuulooyinkaasi Waxaa Ka Mid Ah Galaada, Ceel Giniiseed, Qudhaco, Kama Sure, Iyo Dhul Beereedka Dooxaha Agamsaha .

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha Eng: Cabdilaahi Ismaaciil Faarax Ayaa Kula
Dar-Daarmay Beeralayda Shantaasi Tuule Ee Gobolka Gabiley Inay Ka Faaiidaystaan Deeqdan Isugu Jirta Qodaalka Beeraha , Xidhitaanka Biyaha , Abuurka , Iyo Qalabka Gacanta Lagaga Shaqeeyo Ee Beeraha , Si Looga Baxo Cunto Yaraanta Oo Looga Faaiidaysto Khayraadka Dhulkeena .Agaasimaha Guud Waxa Uu U Mahadceliyay Hayyadda Adra Oo Gacan Ka Gaysatay Deeqdan , Lagu Caawiyay Dhulbeeralayda Gobolka Gabiley . Beeralayda Deegaankaasi Ayaa Iyaguna Uga Mahadceliyay Deeqdan Wasaarada Beeraha Iyo Hayadda Adra

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version