WAJAALE NEWS

Xisbiga UCID oo Cambaareyey Masuuliyiin iyo dhalinyaro Xisbiga Waddani ka tirsan oo xukumadu ku xidhay Boorma.

UJEEDO Warsaxaafadeed

HARGEISA WAJAALENEWS Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waxa uu cambaaraynayaa tacaddiga ay xukuumadu joogtaysatay inay kula kacdo muwaadiniyiin aan wax danbi ah faraha kula jirin iyo tumashada ay xuuqda muwaadiniyiinta kula dhaqmayso.
Waxa aanu cambaaraynaynaa xadhiga xaq darrada ah ee ay xukuumadu xabsiga ugu taxaabtay ugu horayn:
1.Xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga wadani.
2.Dhallinyarada tirada badan ee gobolka Awdal.
Waxa aanu cadaynaynaa inaan muwaadin aan fal kula jirin faraha qunyar inta loo cagajugleeyo xabsiga laysaga taxaabi karin sida ku cad dastuurka.Balse xukuumada talada dalka haysaa ay si sharciga baal marsan muwaadiniyiinta xabsiga ugu taxaabto,taasina ay tahay awood sheegasho shuruucda xaquuqda muwaadinka baal marsan.
Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada iyo masuuliyiinta ay khusayso inay si dhakhso ah oo aan shuruud lahayn ugu soo celiso xorriyada xogahayaha x.xoolaha ee xisbiga wadani iyo dhallinyarada xaqdarada ugu jira xabsiga.
Waxa kale oo aanu ogaysiinaynaa cid kasta oo ka mid ah masuuliyiiinta xukuumada haday mar danbe ku tacadido xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniyiinta  aan faraha kula jirin wax danbi ah inaanu sharciga hor keeni doono,waxa ummada u ballan qaaday shareecada islaamka,dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala.
Mar labaad waxa aanu leenahay waa in si dhakhso ah loogu soo celiyo xorriyada dhamaan muwaadiniyiinta xabsiyada ugu jira sifo sharciga ka baxsan.
Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax Human Rights Secretary Justice and Welfare Party UCID

Hargeysa/JSL
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;wajalenews@gmail.com
 
Exit mobile version