WAJAALE NEWS

Xildhibaanno Isbaaro U Dhigtay Lacag Lagu Waday Baanka Borama, Badhasaabka Awdal Oo Amar Bixiyey Iyo Maayarka Oo Ka Waramay Siday Wax U Dhaceen

BORAMA(WAJAALENEWS) ;Maayarka Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa ka hadlay saddex xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka Borama oo isku dayey inay boobaan isla-markaana xoog kula wareegaan lacag ka mid ah dakhliga dawladda hoose oo la doonayey in baanka lagu xereeyo, balse ay dadwaynuhu shiid iyo dhagax tuur kaga badbaadiyeen.

Maayarka Borama, ayaa sheegay in xildhibaanadaasi ay gaadhi ku jareen albaabkii la marinayey lacagta baanka lagu xeraynayey isla-markaana isku dayeen inay khasnajiga dawladda hoose xoog kaga qaadaan lacagtaasi, nasiib wanaagse ay dadwayne ku sugnaa halkaasi ay dhagaxaan iyo shiid kaga caydhiyeen xildhibaanadii halkaasi.

Maayarka oo markii falkaasi dhacay saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Waxa jira saddex xildhibaan oo dakhligii dawladda hoose hor istaagay, ka dibna inay boobaan qarka u gaadhay, taasina waxay keentay in dakhligii baanka la geynayey dib loogula soo cararay xafiisyada dawladda hoose”

Maayarka oo sii hadlaya ayaa sheegay inay arrintan ku war-galiyeen Badhasaabka gobolka Awdal si wax looga qabto “Badhasaabka ayaa yidhi talaabo sharciya halaga qaado, laakiin shacabka ayaa markii dambe shiiday, markaas ayay meesha ka yaaceen xildhibaanadaasi oo watay gaadhi bas ah” ayuu yidhi Maayarku.

Sidoo kale, waxa falkan ka hadlay khasnajiga dawladda hoose ee lacagtii uu siday laga qaadan gaadhay, waxaanu yidhi “Saaka (Shalay) markaan dakhligii diyaariyey ee aan ugu talo-galay inaan xereeyo, ayaan la kulmay baabuur meesha ku go’an (Baanka), dabadeedna waxaan idhi baabuurtan yaa watay, waxaana la yidhi xildhibaanno ayaa watay, waxaan isku dayey inaan xildhibaanadii ka dhex raadiyo xarunta dawladda hoose si ay baabuurka nooga hor qaadaan, way yimaadeen, laakiin iyagii ayaa isku qabsaday baabuurka ka qaad iyo ka qaadi mayno, dabadeedna lacagtii ayaanu la baxsanay oo aanu la lugaynay”

Khasnajiga dawladda hoose ee Borama, oo la waydiiyey in xildhibaanadu wax mushahar ah ku lahaayeen, ayaa ku jawaabay “Mushaharkoodii way qaateen, laakiin waxay bilaabeen Mooryaannimo, waana masuuliyad daro” ayuu yidhi.

 

Dhanka kale, dadwaynaha reer Borama oo saxaafaddu wax ka waydiisay aragtidooda la xidhiidha falkan nooca cusub ah,ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin, falkanna ceeb ku yahay dawladnimada isla-markaana hoos u dhigayo Magaca iyo sharaftii laga rabay xildhibaanada Golaha deegaanka Borama

 

WAJAALENEWS DESK

BORAMA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version