WAJAALE NEWS

Xaq (Xaqii) Iyo Baadil (Dulmo + Been ) Ayaa Isqabsaday Oo Dad Isula Tegey

Xaqii Wuu Ogolaadey Arinkan Waanuu U Riyaaqay , Waayo Wuxuu Ogyahay Hubaana In Dadku Xaqa Taageeraan Isna Garab Taagaan

Waxan Maanta Kaaga Sheekeynayaa Oo  Aabahay Iiga Sheekeeyey  , Aabaheyna Aabihii Uga Sheekeeyey ,  Sheekoi Soo Jireen Ahayd , Oo Abidkeed Soo Jirtey .

Waalin Maalmaha Kamid Ah , Ayaa Waxa Wada Lugeeyey Xaq  Iyo Baadil (Dulmi +Been ) ,Safar Dheer Bay Wada Galeen , Kabacdi Way Daaleen , Laakiin Sida Lagu Yaqaano Xaqa , (Xaqu Waa Xoog Iyo Awood Badan Yahay ) Mana   Daalo Mana Wahsado Kamana Muuqdo Daal.

Baadil (Dulmi +Been) Waxa Lagu Yaqaanaa Jil Jileec (Daciifnimo) Sidaa Awgeed Wuu Istaagey Oo Wuu Daaley , Wuxuu Ku Jidhi Saaxiibkiisii Ay Wada Lugeynayeen : Saaxiib Waan Daaley , Mana Dhaqaaqi Karaayo  Ee Maad I Xanbaari …. Oo Maad I Qaadi  ???

Xaqii Ayaa Aad Iyo Aad U Qayliyey

, Wuxuu Xidhi :

Maxaad Tidhi ???

Ma Baadil (Dulmi +Been) Baa Doonaaya In Uu Xanbaaro Xaq (Xaqu) ?

Ma Wax Caqliga Galaa ? Waxay Ahayd Aniga (Xaqa) Inaad I Xanbaarto ???

Muran Iyo Dood Dheer Baa Dhex Martey , Baadil (Dulmi +Been) Yidhi : Saaxiib Idhageyso … Dimuqraadiyiin Aynu Noqono .. Oo Dimuqraadiyad Aynu Isula Tagno , Iyadaa ( Dimuqraadiyaddu ) Xal Ah E , Oo Dadka (Bulshad) Codkeedu Hay Na Kala Saaro , Sidaa Awgeed Dad Aynu Isula Tagno .

Xaqii Wuu Ogolaadey Arinkan Waanuu U Riyaaqay , Waayo Wuxuu Ogyahay Hubaana In Dadku Xaqa Taageeraan Isna Garab Taagaan .

Waxa Balaabantay Ololihii Beretenka Doorashada Xaq Iyo Baadil ,

Xaq Baa Wuxuu Yidhi : Dadyahaw (Bulsha Yahay) Waad Iwada Garanaysaan Aniga .. Anigu Waxaan Ahay Xaqii , Kan Ila Tartamayaana Waa Baadil (Dulmi +Been ) , Labadayaduna Waanu Daalanahay , Arankuna Waxa Weeye In Uu Midkaayo Ka Kale Xanbaaro ( In Uu Mid Kaayo Ka Kale Qaado )…… Hadaba

Kee Baa Ka Kale Xanbaari Doona … Aniga Mise Isaga  ? Keebaa Ka Kale Xanbaari Doona ?

Waxa Dhacdey Doorasho Xaq Ah Oo Xalaal Ah .

Dadkii (Shacabkii Ama Bulshadii) Mar Qudha Ayay Wada Qayliyeen , Oo Ku Dhawaaqeen , Erey Qudha Oo Dhulka Iyo Buurahaba  Ka Gariiriyey … Xaqa (Xaqqa) Ayaa Laxanbaarayaa  ,.

Min Maalintaa Ilaa Iyo Maanta Xaqa (Xaqu) Isagaa La Xanbaarsan Yahay ,

Baadil Na (Dulmi +Been ) Wuu Lugeynayaa .

Hadaba Xaq Iyo Baadil Waa La Kala Garanayaa , Wayna Kala Cad Yihiin Sida Maalinta Iyo Habeenku U Kala Cad Yihiin .

Laakiin Way Isdaba Socdaan Ama Way Wada Lugeynayaan  ,

Adigaana Lagaa Rabaa Inaad Kala Garato ,

Adigaa Ka Mas Uul Ah ,

Inaad Kala Saarto ,

Adiga Ayay Tahay Inaad Kala Garato ,

Adiga Ayay Tahay Inaad Kala Reebto ,

Adiga Ayey Tahay Inaad Xuduud U Kala Yeesho,

Adiga Ayey Tahay Inaad Kala Taageerto ,(Adiga Ayey Tahay Inaad Xaqqa Taageerto)

Xaqu Adiga Ayuu Wax Ku Tarayaa ,

Baadilkuna (Dulmigu -Beentu) Adiga Ayey Wax Ku Yeeleysaa .

Marka Aad Maqashohadalada Macmacaan  Ee Faxshaxanka Beenta Ah Lagu Soo Qurxiyey  ,Maaha In Aad Markiiba Qaadato ,Aa Aad Lacararto , Oo Aad Taageerto , Ee Waa Inaad Iska Hubsataa , Hadalkanu Inuu Xaq Yahay Iyo Inuu Baadil (Dulmi -Been ) Yahay ,

Waa Inaad Xaqa Weligaa Taageertaa Kuna Adkeysataa , Isla Markaana Aad Ogaataa Baadil(Dulmi -Been) May Hadhin Ee Aad Iyo Aad Bay U Dadaalayaan Iyay Xaqa Jebiyaan Kana Adkaadaan .

Baadilku (Dulmigu -Beentu) Maseexdaan Habeen Oo Dhan Bay Soo Jeedaan Oo Guureynayaan Oo Lacag Iyo Xumaan Oo Dhan Qaybinayaan , Oo Inta U Shaqaysa Oo Dhan Shirinayaan , Oo Xeelad Iyo Dhib Iyo Xumaan Soo Xidh Xidhayaan Ee Ogow .

Baadil(Dulmi -Been -Xumaan ) Waxay Doonayaan Inay Iyagu Dunida Ka Taliyaan Oo Sharcigooda Xmi Ka Sareeyo Xaq Qa .

Hadaba Intii Dunidu Soo Jirtey Mushkiladanu Way Soo Jirtey , Waanay Sii Jireysaa , Laakiin Adiga Iyo Dadnimadaada Iyo Damiirkaaga Ayaa Lagaa Rabaa Inaad Kala Saarto , Kalana Garato , Kalana Taageerto .

Haw Taageerin Qofna Xaqdarro , Ama Kan Baa Aniga Ixiga, Ama Kan Baan Aniga Isku Qolo Nahay , Ama Kan Baa Inaadeerkay Ah , Ama Kan Baa Waalkey Ah

Xaq Iyo Baadil Wax U Dhexeeyaa Majiraa ,

Hadaba Keebaad Taageeri  ? Adigana Keebaa Kuu Dan Ah ?

Illaahaw Xaqa Na Garansii .   Aamiiin

Cali Maxamed Biixi       Caliwwelli@Hotmail.Co.Uk

Exit mobile version