|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaq (Xaqii) Iyo Baadil (Dulmo + Been ) Ayaa Isqabsaday Oo Dad Isula Tegey
February 16, 2014 - Written by Wariye:Xaqii Wuu Ogolaadey Arinkan Waanuu U Riyaaqay , Waayo Wuxuu Ogyahay Hubaana In Dadku Xaqa Taageeraan Isna Garab Taagaan Waxan Maanta Kaaga Sheekeynayaa Oo Aabahay Iiga Sheekeeyey , Aabaheyna Aabihii Uga Sheekeeyey , Sheekoi Soo Jireen Ahayd , Oo Abidkeed Soo Jirtey . Waalin Maalmaha Kamid Ah , Ayaa Waxa Wada Lugeeyey Xaq Iyo Baadil (Dulmi +Been ) ,Safar Dheer Bay Wada Galeen , Kabacdi Way Daaleen , Laakiin Sida Lagu Yaqaano Xaqa , (Xaqu Waa Xoog Iyo Awood Badan Yahay ) Mana Daalo Mana Wahsado Kamana Muuqdo Daal. Baadil (Dulmi +Been) Waxa Lagu Yaqaanaa Jil Jileec (Daciifnimo) Sidaa Awgeed Wuu Istaagey Oo Wuu Daaley , Wuxuu Ku Jidhi Saaxiibkiisii Ay Wada Lugeynayeen : Saaxiib Waan Daaley , Mana Dhaqaaqi Karaayo Ee Maad I Xanbaari …. Oo Maad I Qaadi ??? Xaqii Ayaa Aad Iyo Aad U Qayliyey , Wuxuu Xidhi : Maxaad Tidhi ??? Ma Baadil (Dulmi +Been) Baa Doonaaya In Uu Xanbaaro Xaq (Xaqu) ? Ma Wax Caqliga Galaa ? Waxay Ahayd Aniga (Xaqa) Inaad I Xanbaarto ??? Muran Iyo Dood Dheer Baa Dhex Martey , Baadil (Dulmi +Been) Yidhi : Saaxiib Idhageyso … Dimuqraadiyiin Aynu Noqono .. Oo Dimuqraadiyad Aynu Isula Tagno , Iyadaa ( Dimuqraadiyaddu ) Xal Ah E , Oo Dadka (Bulshad) Codkeedu Hay Na Kala Saaro , Sidaa Awgeed Dad Aynu Isula Tagno . Xaqii Wuu Ogolaadey Arinkan Waanuu U Riyaaqay , Waayo Wuxuu Ogyahay Hubaana In Dadku Xaqa Taageeraan Isna Garab Taagaan . Waxa Balaabantay Ololihii Beretenka Doorashada Xaq Iyo Baadil , Xaq Baa Wuxuu Yidhi : Dadyahaw (Bulsha Yahay) Waad Iwada Garanaysaan Aniga .. Anigu Waxaan Ahay Xaqii , Kan Ila Tartamayaana Waa Baadil (Dulmi +Been ) , Labadayaduna Waanu Daalanahay , Arankuna Waxa Weeye In Uu Midkaayo Ka Kale Xanbaaro ( In Uu Mid Kaayo Ka Kale Qaado )…… Hadaba Kee Baa Ka Kale Xanbaari Doona … Aniga Mise Isaga ? Keebaa Ka Kale Xanbaari Doona ? Waxa Dhacdey Doorasho Xaq Ah Oo Xalaal Ah . Dadkii (Shacabkii Ama Bulshadii) Mar Qudha Ayay Wada Qayliyeen , Oo Ku Dhawaaqeen , Erey Qudha Oo Dhulka Iyo Buurahaba Ka Gariiriyey … Xaqa (Xaqqa) Ayaa Laxanbaarayaa ,. Min Maalintaa Ilaa Iyo Maanta Xaqa (Xaqu) Isagaa La Xanbaarsan Yahay , Baadil Na (Dulmi +Been ) Wuu Lugeynayaa . Hadaba Xaq Iyo Baadil Waa La Kala Garanayaa , Wayna Kala Cad Yihiin Sida Maalinta Iyo Habeenku U Kala Cad Yihiin . Laakiin Way Isdaba Socdaan Ama Way Wada Lugeynayaan , Adigaana Lagaa Rabaa Inaad Kala Garato , Adigaa Ka Mas Uul Ah , Inaad Kala Saarto , Adiga Ayay Tahay Inaad Kala Garato , Adiga Ayay Tahay Inaad Kala Reebto , Adiga Ayey Tahay Inaad Xuduud U Kala Yeesho, Adiga Ayey Tahay Inaad Kala Taageerto ,(Adiga Ayey Tahay Inaad Xaqqa Taageerto) Xaqu Adiga Ayuu Wax Ku Tarayaa , Baadilkuna (Dulmigu -Beentu) Adiga Ayey Wax Ku Yeeleysaa . Marka Aad Maqashohadalada Macmacaan Ee Faxshaxanka Beenta Ah Lagu Soo Qurxiyey ,Maaha In Aad Markiiba Qaadato ,Aa Aad Lacararto , Oo Aad Taageerto , Ee Waa Inaad Iska Hubsataa , Hadalkanu Inuu Xaq Yahay Iyo Inuu Baadil (Dulmi -Been ) Yahay , Waa Inaad Xaqa Weligaa Taageertaa Kuna Adkeysataa , Isla Markaana Aad Ogaataa Baadil(Dulmi -Been) May Hadhin Ee Aad Iyo Aad Bay U Dadaalayaan Iyay Xaqa Jebiyaan Kana Adkaadaan . Baadilku (Dulmigu -Beentu) Maseexdaan Habeen Oo Dhan Bay Soo Jeedaan Oo Guureynayaan Oo Lacag Iyo Xumaan Oo Dhan Qaybinayaan , Oo Inta U Shaqaysa Oo Dhan Shirinayaan , Oo Xeelad Iyo Dhib Iyo Xumaan Soo Xidh Xidhayaan Ee Ogow . Baadil(Dulmi -Been -Xumaan ) Waxay Doonayaan Inay Iyagu Dunida Ka Taliyaan Oo Sharcigooda Xmi Ka Sareeyo Xaq Qa . Hadaba Intii Dunidu Soo Jirtey Mushkiladanu Way Soo Jirtey , Waanay Sii Jireysaa , Laakiin Adiga Iyo Dadnimadaada Iyo Damiirkaaga Ayaa Lagaa Rabaa Inaad Kala Saarto , Kalana Garato , Kalana Taageerto . Haw Taageerin Qofna Xaqdarro , Ama Kan Baa Aniga Ixiga, Ama Kan Baan Aniga Isku Qolo Nahay , Ama Kan Baa Inaadeerkay Ah , Ama Kan Baa Waalkey Ah Xaq Iyo Baadil Wax U Dhexeeyaa Majiraa , Hadaba Keebaad Taageeri ? Adigana Keebaa Kuu Dan Ah ? Illaahaw Xaqa Na Garansii . Aamiiin Cali Maxamed Biixi Caliwwelli@Hotmail.Co.Uk Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|