WAJAALE NEWS

WASIIRKA WAXBARSHADA OO XAFIISKEEDA KU QAABISHAY GUDDOOMIYAHA JAAMACADA ALPHA EE DALKA ITOOBIYA

Isagoo Ku Tilmaamay Horumarka Somaliland Ay Gaadhay Mid Lagu Farxo Oo Ay Dadka Reer Somaliland Samaysteen

Hargaysa (Wajaalenews)Marwo Zam-Zam Cabdi Aadan Oo Kulankaasi Ay La Qaadatay Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Ee Dalka Itoobiya Ka Hadashay Ayaa Dalka Ku Soo Dhawaysay Guddoomiyaha Jaamacada Waxaana Ay Si Qoto Dheer Uga Warantay Xidhiidhka Dhinaca Waxbarashada Ee Ka Dhaxeeya Dalalka Itoobiya Iyo Somaliland Iyadoo Xustay Marwo Zam-Zam Cabdi Aadan In Ay Ka Wasaarad Ahaan Ku Hawlan Yihiin Sidii Ay Kor Ugu Qaadi Lahaayeen Aqoonta Ay Bixiyaan Jaamacadaha Dalka Ka Jira Waxaana Ay Jaamacada Alpha Ku Amaantay Doorka Ay Ka Qaadato Kobaca Waxbarasho Ee Dalka. Dr Xayla Salaasiya Girma Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Ee Dalka Itoobiya Ayaa Sheegay In Uu Aad Ugu Faraxsan Yahay Imaatinkiisa Somaliland Isagoo Ku Tilmaamay Horumarka Somaliland Ay Gaadhay Mid Lagu Farxo Oo Ay Dadka Reer Somaliland Samaysteen. Waxa Kale Oo Kulankaasi Goob Joog Ka Ahaa Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Ee Somaliland PROF; C/raxmaan Maxamed Maal.

 

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version