WAJAALE NEWS

Wasiirka Macdanta iyo Agaasimaha Guud Oo Dalka Ka Dhoofay, Kuna Sii jeeda Imaaraadka Carabta

HARGEISA(WAJAALENEWS);Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Eng Hussein Abdi Duala Ayaa MaantA  ka duuley garoonka cigaal ee caalamiga isagoo  safar shaqo ugu baxay dalka iskutaga imaaradka carabta UAE .wasiiirka oo u wahelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamrta iyo macdanta.

Wasiirka ayaa shir kula yeelanayaa afar shirkadood oo Hore Somaliland heshiisiyo la galey ,kuwaaso ah shirkadaha sahaminta shidaalka oo kala ah (Genel,DNO,RAK GAS,ANSAN(WIKFI).

Shirkan ay wada yeelanay Wasiirka iyo shirkadahan sahiminta shidaalka ayaa ka wada hadlaya arrimaha wacayigalinta iyo amniga Somaliland sidii amniga dhulka sahaminta loo sugilahaa  ,iyagoo Somaliland hore shaqo uga bilowday shirkada Genel Energy ,Wasiir  xuseen cabdi dacaale ayaa hore u sheegay in 2014 ay ku hanweyihiin in dhamaan shirkadaha ay heshiiska la galeen si toosa uga hawl-gali lahaayen dalka .

Wasaarada tamarta iyo macdanta ayaa hore uga qeyb gashey shir caalami oo koonfurta afrika lagu qabtey kaaso Somaliland si rasmi loogu marti qaadey ,waxaaney xidhiidh wanaagsan la yeesheen shirkaddihi  ka kala socdey wadamda caalamka ,midha dhalkeedin usbuuc la soo dhaafey wasaaradu heshiis is afgrad la gashey shirkadan shiina ah oo dhuxul dhagaxda soo saarta

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version