WAJAALE NEWS

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland oo ka qaybgalay shir ganacsi oo ka dhacay dalka Koonfurta Afrik

HARGEISA (WAJAALENEWS) Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika……

Hargeisa(Wajaalenews)Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa dalka Koonfur Afrika gaar ahaan CapeTown kaga qeyb galey, shir la xidhiidha horumarinta Ganacsiga Iyo wax iswaydaarsiga wadamada Afrika,khusuusan dalalka badaha leh iyo kuwa aan lahayn, isagoo Wasiirku caawa kasoo Degay dalka Itoobiya, kadib markii uu soo dhameystey Shirka Koonfur Afrika.

Shirkan oo ahaa marka dhinacyo badan laga eego mid dalka Somaliland waxyaabo badan ka faaiidaysan karto maadaama ay Somaliland oo bad leh iyo a itoobiya oo aan bad iyo dekedba lahayn ay u tahey fursad xoojineysa wadahalada iyo heshiiska dhinacyada Ganacsiga ah, ee Mudooyinkii u dambeeyay u socdey.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kasoo laabtey

Shirkan la xidhiidha dhinaca Ganacsiga iyo xidhiidhada Dekedaha ee dallaka Afrika, oo ay Somaliland ka qeyb gashey, iyadoo uu socdaalkan ku wehelinayay Maareeyaha Dekeda Berbera, Eng Cali Xoorxoor Sida ay Wararku Tibaaxeen Waxa uu Shirkani xoojin u noqonyaa wadahaladii ay dhawaan dalka Itoobiya kuyeesheen Raysal wasaaraha Itoobiya Haile Deselnge iyo Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) wadahaladaas ka dhacay Addis Ababa, ayaa la sheegay in labada isula qaateen Gudi Wasiiro ah oo ka socda labada dal inay ka shaqeeyaan wadashaqaynta Laba geesood oo ganacsigu ka mid yahay.

“Koonfurta Afrika waa dal wayn oo qani ah oo ay Soomaliland wax badan kaga dayan karto marka gaar ahaan Ganacsiga la eego” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Ganacsiga iyio Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar mar uu qeybo Warbaahinta kamid ah si kooban ula hadlay isagoo jooga Magaalada Cape Town.

Safarka Wasiirku waxaa kale oo uu salka ku hayaa sidii ay Somaliland ganacsi furan oo isku dheelituran ula yeelan lahayd wadamada Afrika iyo kuwa aynu jaarka nahayba . Waxaa uu wasiirku lawadaagay dadkii ka soo qaybgalay shirka qorshaha ganacsi ee Somaliland iyo siyaasadeeda Maalgashiga .

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ee uu wehelinayay Maareeyaha Dekeada Berbera intii uu joogay Magaalada Cape Town waxa uu u kuurgalay sida dalka Koonfurta Afriaca Ganacsigiisa dibadda ula mataaneeyo una kobciyaan fikirka,iyadoo la filayo in ay dhawaan soo gaadhi doonaan dalka Somaliland Ganacsato iyo shirkada ka socda dalkaasi Koonfurta Afrika.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

 

Exit mobile version