WAJAALE NEWS

Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Walaac Ka Muujiyey Ayax Ku Habsaday Dhul Daaqsimeedka Ku Teedsan Xeebaha Somaliland.

wasiirka beerahaHargeysa(Wajaale News):-Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Pro. Faarax Cilmi Geedoole ayaa faahfaahin ka bixiyey Ayax ku dhashay deegaano ka tirsan xeebaha Somaliland, isaga oo ka xog waramay dedaalka ay wasaaraddiisu ugu jirto wax ka qabadka arintani,balse waxa uu sheegay in anan awood u lahayn wasaaradiisu in ay ayaxaasi joojiso,madama buu yidhi loo baahanyahay in diyaarado lagu buufiyo oo lagu suneeyo,waxa uu sheegay in Hay`addaha ku shuqul leh ladagaalanka ayaxu ay ka gaabiyeen isla markaana uu hada marayo meelihii aan sumaynta waxba lagag qaban Karin “Hadda Waxaan U Malaynayaa Inuu Dhaafay Marxaladii Diyaaradaha Lagula Dagaalamayey” ayuu yidhi Wasiir Geedoole.
Waxa uu intaasi ku daray in maalinta bari ah ay dalka soo gaadhayaan laba hay`addood oo wasarada kala hawl gala sidii wax loogala qanan lahaa ayaxa dhibaatada ku haya dhul daaqsimeedka ballaadhan eek u teedsan xeebaha Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version