WAJAALE NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay Maal-galinta Shirkada Bolore, Xalinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo Golaha wakiilada.

HARGEISA WAJAALENEWS Arrinta Kulmiye way dhamaanaysaa, maaha in qaranimadeena aynu u burburino wax aan macno lahayn, Baloor-na waanu ku soo qanacnay mashaariicday ka wado Dekedaha Afrika” Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa(WJN) Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay safaro shaqo oo uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada  Galbeedka Afrika sidda  Ikwatooriyal Gini, Kongo Barasafil, Nijeria, iyo Kongo Buntuwaar, waxaanu tilmaamay in kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dawladahaasi kana dhaadhicinayey qadiyada Somaliland iyo sidii Somaliland ay u maal-gashan lahaayeen, waxaanu hoosta ka xariiqay in shirar caalami ah oo ka socday dalalkaasi uu ka qayb galay.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in uu soo indho indheynayey Dekedaha wadamadaasi oo ay maal-galisay Shirkada Bolore oo gacanta ku haysa, waxaanu xusay in ay ku qanceen hawlaha shaqo ee shirkadaasi ka hayso dekedahaasi.

Maxamed Biixi Yoonis wax kale oo uu ka hadlay halka uu marayo Xalinta Khilaafka Xisbiga kulmiye oo uu guddoomiye u yahay Guddidii uu madaxweynaha Somaliland u saaray, waxaanu tilmaamay in ay hawshaasi gacanta ku hayaan in yarna u hadhsan tahay dhameystirkeeda.

Wax kale oo uu ka hadlay Khilaafka golaha wakiilada ka dhex jirra waxaanu ugu baaqay golaha in khilaafkooda ay xalistaan.

Wasiirku Wax uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ugu horeyn ka hadlay Safarkii shaqo ee uu ku tagay waddamada galbeedka afrika waxa uu yidhi “Waxaan tagay Ikwatooriyal Gini Caasimada Malaabo halkaas oo uu inagu  casuumay madaxweynaha wadankaasi madaxweyne Obiyang, wax halkaasi ka socday shir weyn oo ay iskugu yimaadeen dad badan oo ka kala yimid caalamka, waxaana laga hadlayey siddii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, runtii waxaanu uga sheekeynay dalka Somaliland wuxu yahay iyo khayraadkiisa iyo halka caalamka aynu kaga jirno, waayo dalkeenu ma aha wali dal la ictiraafay, waxa kale oo ka wadahadlanay in aynu gacan uga baahanahay,  runtii waa wadan dhaqaale iyo Batrool baddan leh, waxayna doonayaan in dhaqaalahooda meelo gashadaan, markaa waxanu ka wada hadalnay sidii somaliland ay u maal-gashan lahaayeen, iyo sidii siyaasadeena Aqoonsi raadiska ah  gacan inooga siin lahayeen, iyo si aynu qadiyadeena ugu sharaxno si fiican ayey inoogu soo dhacday hawshaasi, markaa waxay ahayd in aan ku biiro waftigii wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Maareeye Cali Xoor xoor si aanu u soo eegno dekeda Legos Nejaria iyo dekeda Buntuwaar ee Kongo, laakiin anigu Legos umaan raacin way ii suurobiweydey shirkaasi kale ayaan ku habsaamay, laakiin waxaan tegey Kongo Barasafil waxa kale oo aanu tagnay Kongo Buntuwaar, Kongo Buntuwaar waxaanu iskugu nimid aniga iyo wasiirka iyo Cali Xoor xoor, waxa lana tusay shirkadan Bolore ee wadahadaladu inoo socdaan wadamada faraha baddan ee ay wax ka qabatay, illaa 20 dal  dekadahooda ayey maamushaa, oo ay ka mid tahay dekeda ku taala Kongo Buntuwaar illaa Sideed boqol iyo Konton Malyuun ayey galiyeen, waana shirkad aad iyo aad u weyn sidaad la socotaan, runtii hawlaha ay waddaan waanu ku soo qanacnay, si fiican ayey wax u waddaan dadkii ayaanu wareysanay, waxa kale oo aanu wareysanay wasiirka gaadiidka dalka Kongo qaabilsan oo ahaan Jiray Boskaygii Darfuur oo la yidhaahdo Prof. Adad, aad ayuu noo dhiiri galiyey in aanu hawsha la wadno, waxa noo hadhay in khubaro dekedaha yaaqaan aanu u geyno waraqiihii iyo niman sharci yaqano ah oo aanu si fiican iskaga baadhno oo aanu iskaga eegno si hawsha loo guddo gallo”Ayuu yidhi Wasiirku.

 

Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo la waydiiyey halka ay marayaan hawlihii Tur-xaanbixinta  xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “guddidaasi waxan u ahay guddoomiye, guddidaasi oo ah guddida turxaan bixinta Kulmiye, waxaa-na magacaabay madaxweynaha  Somaliland, si loo dhameeyo khilaaf yar oo aan macno lahayn waanu wadnaa, waxaanu doonaynaa madaama xisbiga kulmiye yahay xisbul xaakimkii sidii loola shaqayn lahaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka  iyo madaxda xisbiga, aanu isku wada keeni lahayn oo aanu ka dhigi lahayn xisbi adag oo muuqda oo qiimihiisa iyo shaqadiisa qabsada, waanu ka kulanay waxaanan fillayaa in si dhakhso ah u soo afjarno, khilaafaadka yar ee jirra, wax weyn oo cilmi ku dhisan oo dhibaato baddan keeni kara ma aha, runtii waxaanu nahay koox toban ah waxaanu rajeynaynaa in hawshaasi dhammaato.”Ayuu yidhi Wasiirku.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay Khilaafka ka dhex jira Golaha wakiilada Somaliland waxaanu wasiirku sheegay in aanay Somaliland u baahnayn khilaaf

Waxanu yidhi “marka uu qofku hawl ku kacayo waa in uu ka fikiraa hawshaasi ama dhibtaasi uu ku kacayo ama khilaafku muxu dalka dhibaato u keenayaa, waa in uu qofka masuulka ahi arrintaasi ku fikiro inta aanu hawsha ku dhaqaaqin, waxaan leeyahay wixii xasiloonida wadanka wax u dhimaya waa in layska ilaaliyaa, waa in aanay dadku isku qasin qaranimada iyo arrimaha gudaheena ah iyo siyaasada kursiga la kala  riixanayo, insha allaha waxaynu rajeynaa in Khilaafkasina dhammaado”Ayuu yidhi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version