WAJAALE NEWS

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Kulan Balaadhan La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Somaliland Kana War Bixiyey Waxyaalaha Uu Kulankaasi Daarnaa.

Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka  arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa kulanka uu la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxa lagaga hadlayey sidii ay warbaahintu  meel uga wada istaagi lahaayeen wararka la xidhiidha qabyaalada ee bulshada Somaliland kala fogaynaya.

Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan isla markaana  laysku waydaarsaday fikrado badan oo dhaxal gal ah ayaa waxa kale oo lagu soo qaaday diwaan gelinta lagu samaynayo guud ahaan shacabka Somaliland ee ay dhawaan bilaabi doonto wasaarada arimaha gudaha Somaliland iyo sidii ay warbaahintu qaybteeda uga qaadan lahayd.

Ka dib markii

uu kulankaasi dhamaaday ayaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxa uu faah faahin ka bixiyey waxyaalaha  uu kulankani daarnaa waxaanu yidhi “Maanta waxaanu kulanay dhamaanba warbaahinta ka shaqaysa Somaliland haday yihiin telefishanada,wargeysada, website-yada iyo guud ahaanba meelaha lagu faafiyo wararka, waxaanan u mahad naqayaa dhalinyarada ka socda hay’addahaas oo aqoon is waydaarsi aanu kaga tashanayno sidii Somaliland loo bili lahaa ee wanaageena iyo wixii aynu qabsanay caalamka loogu baahin lahaa, umada Somaliland halka ay ka marayso horu markana  lo baahin lahaa si aynu u iibino qadiyada Somaliland ee dhabta ah ee maanta caalamku  inagu majiirqanayo.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland

Wasiir Cali Maxamed Waran Cade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ka wada hadalnay in wixii khal khal gelinaya ama xumaan ku samaynaya  horu marka bulshada Somaliland ay gaadhay oo ay ka mid tahay  qabyaalada, wararka aan runta ahayn, kuwa colaada hurinaya iyo kuwa colaada isku gelinaya  umada Somaliland in dhamaanba laga reebo warbaahinta masuuliyada warbaahineed leh, oo runtii qayb weyn kaga jirta horu marka dalka iyo nabad galyadiisaa,  waxaanan mar kale u mahad naqayaa bahweynta warbaahinta ee sida wanaagsan aanu  u naaqishnay  ee aanu iskula garanay inuu dalkani u baahan yahay in dhinac walba layska taago oo meel looga soo wada jeedsado horu markiisa iyo wanaagiisa.”

Kulanka uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland maanta la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa waxa  uu ka danbeeyey ka dib markii uu hore u balan qaaday inuu qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland kala hadli doono sidii wax looga qaban lahaa wararka la xidhiiidha qabyaalada isla markaana shacabka Somaliland kala fogaynaya.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version